5th February 2025  admin  Category :

Labo Wiil Oo Dhalinyaro Ah Ayaa Xalay Lagu Diley Magaalada Bosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa rag hubeysani  xalay toogasho ku dileen labo wiil oo dhalinyaro ah meel aan ka fogeyn Masaajidka Ramadaan ee Bariga Magaalada.

Dadka ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warbahinta u sheegay in labada wiil ee dhalinyarrada ah ahaayeen saaxiibo siweyn isugu dhowaa, islamarkaana dhawaantan ka qalin jabiyay Jaamacada Bariga Africa ee faraceeda magaalada Boosaaso,lama oga sababta loo diley iyo cida dishay.

Magacyada labada wiil Allah ha u naxariistee  ayaa lagu kala sheegay C/risaaq Xasan Barre (Ceeriin), oo ka soo jeeda beesha Dishiishe  iyo C/kariin C/qaadir oo isaguna ka soo jeeday beesha Cumar Maxamuud

Mudooyinkii dame waxa Magaalada Bosaaso kusoo badanayay dilal Qorshaysan,kuwaas oo aan la garanayn cida ka danbaysa,iyadoona mudo Afar Asbuuc laga joogo la dilay Maareeye ku xigeenkii  Shirkada Golis oo ay isku heyb ahaayeen Marxuumka Xalay la dilay Ee C/risaaq Xasan Barre(Ceeriin).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*