26th July 2024  admin  Category :

Labadddii Gudoomiye oo Suuqa Garowe iska helay ayaa xilkii lakala wareegay

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxay galeen  fasax ah  ilaa bisha sadexaad labaatankeeda oo intooda badani aadeen  degaanadii ay ka soo jeedeen.

Laakiinse Xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Warsangeli iyo Dhulbahnte ayaa iyagu Garowe dhinacna u  dhaafin . Xildhibaanada labadan beelood ee  ku sugan  Garowe ayaa waxa ka mid ah Gudoomiyihii hore baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi  iyo Gudoomiyaha Cusub Cabdixakiim Dhooba daareed, maanta oo ku dhowaad labo bilood ka danbaysay xilligii la doortay Gudoomiyaha baarlamaanka  ayeey xilkii isku wareejiyeen. Waa haddii ay jirtay waxay horay u hayeen iyo waxay  hadda ka dib ay hayn doonaan,

Gudoonka Baarlamaanka  iyo Xildhibaanadani maanta xilka isku wareejiyey  waa kuwii u ansixiyey Madaxweyne Deni shanta wasaaradood ee Qorshaynta, amniga, shidaalka, arimaha Gudaa iyo Kayraadka badda uu madaxweynudu si qabyaaladaysan  u siiyey beeshiisa.

Waa loo dhashaa Wadani

 

 

https://allsanaag.com/puntland-ma-nimanka-musuqmaasaqa-ayaa-is-sharaxa/?fbclid=IwAR2TjHE2hnet7TFtn3Hazpbgex2YbydJFHBFzb0no0r0gtACB5TRk5QwVc8

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*