29th November 2024 admin Category :
Labadddii Gudoomiye oo Suuqa Garowe iska helay ayaa xilkii lakala wareegay
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxay galeen fasax ah ilaa bisha sadexaad labaatankeeda oo intooda badani aadeen degaanadii ay ka soo jeedeen.
Laakiinse Xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Warsangeli iyo Dhulbahnte ayaa iyagu Garowe dhinacna u dhaafin . Xildhibaanada labadan beelood ee ku sugan Garowe ayaa waxa ka mid ah Gudoomiyihii hore baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Gudoomiyaha Cusub Cabdixakiim Dhooba daareed, maanta oo ku dhowaad labo bilood ka danbaysay xilligii la doortay Gudoomiyaha baarlamaanka ayeey xilkii isku wareejiyeen. Waa haddii ay jirtay waxay horay u hayeen iyo waxay hadda ka dib ay hayn doonaan,
Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadani maanta xilka isku wareejiyey waa kuwii u ansixiyey Madaxweyne Deni shanta wasaaradood ee Qorshaynta, amniga, shidaalka, arimaha Gudaa iyo Kayraadka badda uu madaxweynudu si qabyaaladaysan u siiyey beeshiisa.
Waa loo dhashaa Wadani
https://allsanaag.com/puntland-ma-nimanka-musuqmaasaqa-ayaa-is-sharaxa/?fbclid=IwAR2TjHE2hnet7TFtn3Hazpbgex2YbydJFHBFzb0no0r0gtACB5TRk5QwVc8