26th July 2024  admin  Category :

Qaar ka mid ah beesha Gahayle ee laga Barakiciyey Laasa Surad , gobolka Sanaag ,ayaa haddasheegay inay Maleeshiyaadka Muqdisho tageersan yihiin

Ciidamo Hubeysan oo ka tirsanaa Puntland ayaa sheegay inay ka goosteen maamulka Puntland oo dagaal kula jira Argagixisada , ayna taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib muuqaal ay ka soo duubeen qeybo ka mid ah gobolka Bari

Muuqaal ay soo duubeen Maleeshiyadkan ayaa la arkayay dhul buuraley ah oo ay ku sugan yihiin, iyagoo xiran dharka ciidamada ee milateriga, waxaan saraakiisha ciidamadan ay sheegeen inay noqdeen ciidamo deegaanka ah oo taageersan dowladda Federaalka

Saraakiisha u hadashay Maleeshiyaadkan oo gaarayay ku dhowaad afartameeyo ayaa sheegay inay ka tirsanayaan maamulka Puntland cadaalad xumo, ayna dhageysan weyday cabashooyinka ka jira Gobolka Gardafuu.

Saraakiisha ayaa qaarkood horay beesha Isaaq uga barakicieen Degaanka Laasa Surad ee gobolka Sanaag

Waxaa kaloo saraakiishan ay sheegeen inay diidan yihiin Ciidamada Badda Puntland ee la dagaalama argagixisada ee loo yaqaano PMPF, kuwaasoo uu taageero Imaaraadka Carabta

Sidoo kale waxaa ay baaq u direen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay taaageeraan Maleeshiyaydkooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*