30th December 2024 admin Category :
Si loo Naas nuujiyo waa in xil loo magcaaba. Shalay wasiir ayuu ka ahaa dawladdii uu Madaxweyne Farmaajo Mucaaradka ka ahaa. Maantana waa la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo. La taliyahan ka soo haray golihii wasiiradda ee dawladdii Xasan Culusoow oo madaxweyne Farmaajo Mucaaradka ku ahaa ayaa waxa uu ka soo jeeda Beesha Ra’isawsaaraha Soomaaliya iyo xaaska madaxweynuha
La Taliyaha Madaxweynaha oo madax u ah Guddiga qaban qaabada iyo diyaarinta Shirka London ee dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyay shirka, isagoo warbixin ku saabsan shirka maanta ka jeediyay shir ka dhacay Hoolka weyn ee Xarunta Afisyooni.
Shirkan oo horu dhac u ah shirka London ayaa waxaa ka qeyb galay dowladda Federaalka, Qaramada Midoobey iyo Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar.
C/raxmaan Ceynte ayaa sheegay in todobaadyadii u dambeysay ay shaqadiisa aheyd diyaarinta shirka London, isagoo faah faahiyay ajandayaasha looga hadlayo shirka.
“Isbuucyadii u dambeeyay shaqadeyda waxay aheyd diyaarinta shirka London, waxaa rabaa warbixin kooban inaan dadka halkan isugu yimid ka siiyo, shirka London waxa uu ku saabsan yahay waxa aan ka fileyno, cida ka qeyb galeysa iyo qodobo kale, shirka London waa shir caalami ah oo ay ka qeyb galayaan 40 dal iyo hey’ado waa weyn”ayuu yiri C/raxmaan Ceynte.
Waxaa uu sheegay in shirka ay si wada jir u shir guddoomin doonaan dowladda marti gelineysa ee UK, Qaramada Midoobey iyo dowladda Federaalka wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Waxaa uu sheegay in maalinta koowaad ee shirka 10 May ay dhici doonaan shirar kooban oo looga hadlayo arrimaha ganacsiga iyo maalinta xigta ee 11 bisha May oo uu dhacayo shirkii weynaa.
Mr Ceynte ayaa sheegay in shirka looga hadlayo afar ajande oo ajande walba ay saaran yihiin qodobo dhowr ah, waxaana ajandayaasha ka mid ah Amniga, Siyaasada, iyo kuwa kale.
Sidoo kale waxaa uu xusay in ajandaha Amniga muhiimadiisa yahay sidii shirka London loola tagi lahaa heshiis siyaasadeed oo dhinaca Amniga ah, kaasoo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaa uu xusay in diirada lagu saarayo qorshaha Amniga ee la isla gaaray, isagoo xusay in arrinta Amniga ee dhismaha ciidamada ay markii dambe qeyla dhaan ka timid, balse Baarlamaanka uu soo jeediyay in wax laga bedelo, hadana ay hayaan nuxurkiisa.