29th March 2024  admin  Category :

Kusimaha Madaxweynaha Punland oo hay’adda SSF ka guddoomey Afar Gaadhi oo nooca Booliska ah

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 20 Agoosto, 2016 Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland kaga guddoomey hay’adda SSF(Somali Stability Fund) Afar Gaadhi oo ah nooca Booliska ee loo Yaqaano Shabaqlaha ee lagu qaado Maxaabiista xilliyada loo wado Maxkamadaha ama Xabsiyada.

Afartaan Gaadhi ayaa waxaa Maalgelisey Hay’adda SSF isla markaana waxaa fulinaysey Hay’adda DDG waxaana loogu deeqay baabuurtaan Afarta degmo ee kala ah Xarfo, Godob Jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku shuban iyadoona loogu talo galay in looga shaqeeyo arrimaha nabad-gelyada ee deegaanadaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa kaddib markii uu ka guddoomey hay’addaasi gaadiidka ay dawladda guddoonsiisey waxa uu uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay dawladda ugala shaqaynayso dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin sugidda nabad-gelyada, barnaamijka ileyska cad-ceedda ku shaqeeya ee laga hirgeliyey magaalooyinka Puntland iyo ceelal biyoodyo laga hirgeliyey deegaanada laamiga ka baxsan.

kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in gaadiidkaani ay qayb weyn ka qaadan doonaan dedaalka ay dawladda ugu jiro sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ahaan magaalooyinka Puntland isla markaana ay meesha ka saari doonto baahiyihii ay degmooyinkaasi ka qabeen dhinacyada xabsiyada iyo soo qabashada dembiilayaasha.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa gaadiidkaasi waxa uu ku wareejiyey Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxar-diid si uu taliyuhu ugu sii wareejiyo gaadiidkaasi Taliyayaasha qaybaha ee gobollada kala duwan ee ayka kala dirsan yihiin degmooyinkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*