1st May 2024  admin  Category :

Kursiga uu ku fadhiyo Axmed Cali Xaashi, goormay helayaan umaddi kale ee uu ka dhaxeeyey?

Kursiga Xildhibaan ee uu maanta ku fadhiyo  Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi,  qiyaas ahaan dad gaaraya 40% beesha Warsangeli ayuu ka dhaxeeyaa oo xaq  u leh in mid ka mid ah siyaasiyiintooda  uu ka mid noqdo xildhibaanada Puntland, hase ahaatee ilaa Cabdulaahi Yuusuf kursigan waxa ku   fadhiyey Axmed Cali Xaashi oo aan la soo dooran laakiinse mar walba uu suldaan Siciid  soo  magcaabo.

Maamulka Puntland oo ayna ka jirin doorasho ah hal cod iyo hal qof, ayaa waxa Xildhibaanada soo xula Isimada beelaha. Beesha Warsangeli oo ka mid ah beelaha Puntland , gaar ahaan beesha Cumarka ayaa waxa saxiixa Xildhibaanadeeda oo aan ciddi ka daba hadli karin   Suldaan Siciid, oo mar walba Tiinbaraha ugu dhufta Axmed Cali xaashi Bulshada kale ee reer Sanaag ee  kursigani ka dhaxeeyo  ayaa leh siyaasiyiin caan ah iyo aqoonyahano, waxayna qaarkood sugayeen labatan sano inay hal mar ka mid noqdaan Baarlamaanka Puntland, qaarkood waa dhinteen iyaga oo arkaya Axmed Cali xaashi oo la soo celcelinayo

Beesha Dubeys ee Warsangelim iyagu Xildhibanadooda waxay u soo xulaan si meerto ah, oo afartii sanoba beel ayaa qabata.

Ugu danbayntii Suldaan Siciid waa ogtahay umadda uu ka dhaxeeyo kursigani oo qaarkood ay sugayeen labaatan sano, oo aan hadda Xildhibaano ku lahayn  dawladda federaalka iyo Puntland, Caddaaladu ha shaqayso. Sidoo kale Gudoomiye Axmed,  Furasad sii Umadda kale ee  kula degan gobolka oo markan saxiixii aad mudadda wadatay ka kaaftoon.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*