26th March 2024  admin  Category :

Kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo uu ka baxay Xildhibaan geeriyooday oo la buuxiyay

Doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo uu ka baxay Allah u naxariistee Siciid Xasan Geedi oo geeriyooday bishii February ee sanadkii 2017-ka, isla markaana degaan doorashadiisu aheyd magaalada Muqdisho ayaa waxaa is diwaangaliyay inay ku tartamayaan laba musharax oo kala ahaa Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan iyo Faatax Siciid Xasan, inkastoo Musharax Ceynaan uusan hoolka codeynta soo xaadirin ayaa doorashada oo qabsoontay waxaa ku  guuleystay Faatax Siciid Xasan oo wiil uu dhalay marxuumkii booskan baneeyay sida ay ku dhawaaqday Gudoomiyaha Gyuddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yarey)

“Kursigan waxaa ku tartamayay Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan iyo Siciid Xasan Geeddi, Cabdiraxmaan waxa uu helay shan cod, halka Faatax uu helay 32, waxaana halowday afar cod, guud ahaan waa 41 codbixiye ayaa ka qeyb galay, waxaana ku guuleystay musharax Faatax Siciid Xasan oo saacan wixi ka dambeeya loo dhaarin doono xilka loo igmaday” ayay tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yarey).

Xildhibaanka maanta la doortay Faatax Siciid Xasan ayaa u mahacceliyay ergada iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, isagoo balanqaaday inuu waxqabad la imaan doono.

“Waan u mahadcelinyaa inta ii codeysay iyo inta aan ii codeyn, aniga maanta laga bilaabo dhamaantiin waxaan idin ahay Xildhibankii, waana fahmi karaa dhibta heysta dhallinyarada, waxaana diyaar u ah inaan idinla shaqeeyo” ayuu yiri Xildhibaan Faatax.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa mudooyinkii dambe ku howlanaa buuxinta kuraasta ka banaanaatay baarlamanka 10-aad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna Xildhibaanka maanta la doortay ku biirayaa laba Xildhibaan oo dhawaan lagusoo kala doortay magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo oo sugaya in la dhaariyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*