27th April 2024  admin  Category :

Fadhigii Baarlamaanka ee shakiga dhaliyay ayaa goordhow lagu kala dareeray, kaddib buuq iyo jahwareer hareeyay fadhiga.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mucaaradka ah ayaa is hortaagay shirka inuu furmo, iyagoo ku eedeeyay Guddoonka inuu waday qorshe muddo kordhin ah.

Buuq iyo jahwareerka kaddib ayaa keenay inuu shirku fashilmo, waxaana Xildhibaanada qaar ay ka hor yimaadeen inay saxiixaan warqada kooramka Baarlamaanka ee Xildhibaanada soo xaadira.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannada qaar ay diidanaayeen shirkan oo shaki badan laga qabay inuu ku hoos qarsoonaa muddo kordhin.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in Xildhibaannada is hortaagga sameeyay in la soo qoro, si tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeer hoosaadka looga qaado.

Intaas kaddib Xildhibaannada ayaa ku kala dareeray, sidaas uu ku fashilmay fadhigii loo balansanaa ee shakiga badan laga qabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*