18th April 2024  admin  Category :

Deeqdan oo ah dhar loogu talo galay in maalinta ciidda ay ku ciiidaan qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa ka timid Jaaliyadda reer Jubaland ee Mareeykanka, gaarka ahaan Mineapolis.

Dharkan oo ahaa hal labis oo dhameystiran oo la siinayay qof walba oo kamid ah dadkii dan yarta ahaa, ayadoo barnaamijkan ay ka faa’iideysteen ilaa 1000 qof oo kamid ah dadka danta yar ee reer Kismaayo.

Deeqdan oo ay soo sadaqeysteen rag iyo haween qurbajoog reer Mineapolis ah oo qaarkood ay ahaayeen ganacsato ayaa loo soo wakiishay gabdho reer Jubaland ah, ayadoo uu dadka danta yar gaarsiiyeen dhalinta reer Kismaayo ee ku mideeysan “DAYMSOM”.

Dadkii danyarta ahaa ee ka faa’iideystay deeqda ayaa ka mahadceliyay, ayagoo u duceeyay dadkii soo sadaqeystan deeqda, waxayna Alle uga baryeen in uu siiyo badal qeyr qabo islamarkaana ka abaalmariyo wanaagga ay sameeyeen.

Arrintan ayaa kusoo beegmeeysa ayadoo la marayo maalmihii u danbeeyay ee bisha Barakeeysan ee Ramadaan, dhammaan umadda Muslimiinta ahina isu diyaarinayaan u dabaaldegga munaasibadda ciidda barakeeysan ee Ciidul Fitriga.20170624_08285720170624_08291120170624_08381620170624_08381920170624_08411320170624_08525920170624_08591220170624_09090320170624_09090720170624_09093620170624_091004(0)20170624_09101220170624_09102120170624_09102520170624_09103520170624_09130020170624_09361320170624_09362020170624_09362120170624_09372320170624_093726

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*