28th March 2024  admin  Category :

Kiinya oo sheegtay in aysan ka qeyb galeyn fadhiga dacwadda badda Soomaaliya

maalinta berri lagu wado in Maxkamadda ICJ ay bilowdo dhageysiga dacwadda Badda ayaa waxaa soo baxaya in Kenya ay qorsheyneyso inay ka baaqato dhageysiga dacwadda.

Kenya ayaa waligeed diidaneyd in dacwada badda lagu dhammeeyo Maxkmadda horteeda, waxaana taa  bedelkeed ay rabtay in wadahadal iyo meelo kale lagu xalliyo.

Hase ahaatee dowladda Soomaaliya oo dacwada gudbisay sanadkii 2014 ayaa diiday isku day kasta oo ay Kenya ku dooneyso arrintaas iyo in la aado meel ka baxsan Maxkamadda

Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa shan qodob oo ka mid ah isku dayadii Kenya:

1. Billowgii waxa ay ku doodday in maxkamadda ICJ ayaan awood sharciyadeed u lahayd kiiska.

-ICJ ayaa xukmisay in ay awood u leedahay kiiska, ayna qaadayso
2. Waxa ay ku doodday in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed

-Soomaaliya ayaa ka diidday oo sheegtay in isku daygii diblomaasiyaddu uu fashilmay.

3. Dhowr jeer ayay codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada iyo ballamo kale oo muddaysnaa

– Waa laga yeelay marka laga reebo codsigeedii ugu dambeeyay oo ay maxkamaddu diidday.

4. Waxa ay isku dayday in dacwada ay galaan Midowga Afrika ayadoo ajandaha gaysay golaha ammaanka ee Midowga Afrika, Soomaaliya ayaa diidday, goluhuna waa uu joojiyay arrintaas.

5. Hadda waxaa la soo sheegayaa in ay ka baaqanayso dhagaysiga kama dambaysta ah ee berri ka dhacaya The Hague.

-Ma filayo in loo joojin doono, mana ahan markii ugu horreysay ee dhinac ka mid ah dowlado ay dacwo ka dhaxaysay ay ka baaqdaan dhagaysi ama
Xataa xukunka maxkamadda.
Kenya waxa uu hadafkeedu ahaa in ay waqti badan socoto maxkamaddu -taas oo soo jiitantay 7 sano- ayada oo doorbidaysay in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed. Sidaas darteed wax lala yaabo ma ahan in ay marmarsiyo cusub la timaado.

Baddaas Waxaa iska leh Soomaaliya. Waxaana rajaynayaa in ay maxkamaddu caddayso dhawaan.

Waxaa qoray: Yuusuf Sheekh Ciise

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*