![](https://allsanaag.com/wp-content/uploads/2020/04/gacmaha-624x416.jpg)
13th February 2025 admin Category :
Khudbaddii uu jeedin lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ee uu ka gaabiyey ayaa markii labaad Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni u jeediyey umadda Soomaaliyeed
![Image may contain: 2 people, people standing and suit](https://scontent-bos3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/s960x960/92791388_890904604656394_6077826671749103616_o.jpg?_nc_cat=100&_nc_sid=8024bb&_nc_ohc=j9X4abj5y8oAX-G5O1-&_nc_ht=scontent-bos3-1.xx&_nc_tp=7&oh=e171525fc8013a189808ec5222f0fa03&oe=5EB9E1B4)
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ahna Guddoomiyaha Guddiga Wacyigelinta iyo Ka hortagga Coronvirus, ayaa caawa ka hadlay dadaalka Dowladdu ku bixinayso ka hortagga Covid-19 iyo doorka looga baahanyahay shacabka oo ah u hoggaansanka awaamiirta looga hortagayo cudurkan, sida bandowga , yareynta isu imaatinka bulsho, xirista goobaha la isugu yimaado iyo qaadka sida dhuumaaleysiga ah marmar kusoo gala Puntland.