29th March 2024  admin  Category :

Khudbaddii Ubah Tahliil, umadda Soomaaliyeed waxay u soo celisay kalsooni iyo in aan lagu noqonayn 1991

Hogaamiye lama ogaan karo maalinta Bashbashka iyo barwaaqada lagu jiro ,  ee waxa la ogaan karaan maalmaha  Bulshada uu hogaamiyaa ay ku jiraan   murugda, cabsida, jaahwareerka  iyo wel welka sida uu shacabkiisa  ula hadlo ugana dejiyo xiisadda baqdimeed ee ay ku jiraan iyo culayska dul saaran, oo ayna ogayn xaalku sida dhabta ah uu yahay

Maalmo ka hor, markii qaar ka mid ah Xildhibaanada dawladda federaalka Soomaaliya ay warbaahinta ka sheegeen waxa lagu noqonayaan 1991. Dad badan oo ka soo jeeday gobolada oo Muqdisho u joogay, caafimaad, waxbarasho ama u shaqaynayey dawladda Soomaaliya,  waxa galay cabsi weyn iyo baqdin ah inay dhibaato soo gaarayso oo uu dagal ka dhacayo Muqdisho. Qaar ka mid ah Shacabkaa Soomaaliyeed oo martida ku ahaa Muqdisho  iyaga oo aan dhamaysan danihii iyo howlihii  ay Muqdisho joogeen ayeey ka carareen.

Ubah Tahliil, waa xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka  Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Galmudug. Qoyska ay ka soo jeedaa, wuxuu ka mid yahay qoysaska ugu caansan Konnfurta Soomaaliya. Markii ay maqashay in Xildhibaanada qaarkood ay Baarlamaanka Soomaaliya dhexdiisa ay  ka sheegeen in lagu noqonayo 1991.

Xildhibanaddu warbaahinta ayeey uga khudbadeesay umadda Soomaaliyeed, waxayna u sheegtay in dagaal uuna dhacayn laguna noqonayn 1991, Khudbadaasi ummad badan oo Soomaaliyeed oo welwelsanayd cabsina ka haysay in dagaal dhacayo  ayeey niyadda u dhistay oo kalsooni ka helay madaxdoodii.

Ugu danbaynntii Xildhibaan Ubah Tahliil, waxay qayb weyn ka qaadatay ololihii loogu jiray sidii Gudoomiyihii hore ee  Baarlamaanka looga dhigi lahaa Howlgab guri joog ah , ka dib markii uu ku kacay khiyaano Qaran.Xildhibaan Ubah Tahliil waxay ahayd hogaamiyaha qura ee warbaahinta soo istaagay oo umadda Soomaaliyeed niyadda u dhisay, Xildhibaan Ubah Tahliil , Madaxweynaha Soomaaliyeed Soomaalinimo ayeey ku taageertay  iyo sidii dhibka looga saari lahaa Soomaaliya

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*