26th April 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay goob fagaare ah uga hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Farmaajo isagoo sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeysa isaga iyo Madaxweynaha.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’isul Wasaaraha dalka oo la hadlayay qaar kamid ah ganacsatada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay heshiis yihiin isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

“Aniga iyo Madaxweyne Farmaajo hishiis baan nahay Waxaa la yiraahdaa doqon meeshii lagu dagaalamo un beey ogtahay ee ma ogo meeshii lagu hishiiyey”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada booqashada uu u yimid Kenya waxana uu xusay in uusan u imaan inuu saxixio heshiis gaar ahaan arrimaha qaadka waxana uu sheegay in guddi labada dal loo xilsaaray dhammaan arrimaha u dhexeeya labada dal.

“Booqashadeyda Kenya waxay daarrantahay hagaajinta xiriirka labada dal ee dariska ah.Kenya uma imaan in aan wax saxiixo”ayuu yiri Ra’isul Wasaare Rooble.

Waxa uu soo hadalqaaday ra’iisul wasaaraha arrimaha doorashada dalka waxana uu sheegay in ay ka go’an tahay in dalka ay ka hirgeliyo doorasho.

“Aniga iyo madaxda kale ee Qaranka waxaa naga wada go’an in aan dalka doorasho ka hirgelinno. Waxaa daaha keenay duruufihii la soo maray, balse doorashadii way noo bilaabatay.”

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku celiyay mar kale arrinta Badda isagoo sheegay in laga sugayo oo kaliya natiijada maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

“Arrinta badda waa lama tabtaan waxaanna ka sugeynaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka”ayuu yiri Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa weli ku sugan dalka Kenya kadib markii uu booqasho rasmi ah uu ku tegey isla markaana la kulmay Madaxda ugu sareysa dalka Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*