29th March 2024  admin  Category :

Kheyre oo guddi wasiiro ah u magacaabay gurmadka dhibkii ka dhacay Qardho

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddi wasiirro ah u magacaabay inay u gurmadaan dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u aqriyay magacyada xubnaha guddiga loo magacaabay arrintaas iyo shaqada loo xilsaaray.

Xubnahaas oo dhamaantood ah wasiirro ayaa ka kooban sideed, waxayna kala yihiin.

1 – Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiye

Ad by Valueimpression

2 – Maxamed Burci Xamsa  Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka,  Xubin

3 – Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta, Xubin

4 – Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta, Xubin

5 – Marwo Fowsiya Maxamed Shiikh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha,  Xubin

6 – Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta,  Xubin

7 – Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiir Dowlaha Maaliyadda, Xubin

8 – Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir Ku-xiggeenka Caafimaadka, Xubin

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa amray xubnaha guddigan in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan dadka ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bar ee Puntland.

2 thoughts on “Kheyre oo guddi wasiiro ah u magacaabay gurmadka dhibkii ka dhacay Qardho

  1. Haliye

    Waa hoodado nimankaa ha layska ilaaliyo oo haloo diido inay wadanka yimaadaan, waa nimankii shalay lahaa Puntland ma buuxin shuruudihii lagu siin lahaa 1 million oo lacagtii coronavirus ah.
    Wasiir Jamaal ma ahee inta kale yaysan inoo iman, waa igu sawir, hangool indhaha halaga geliyo Farmaajo , Khayre iyo cidii la socota.

    Reply
  2. Ayaanle

    Absolutely ma mudna in lagu qaabilo Puntland magacyada meesha ku qoran iyo kuwa soo diray toona. Puntland Ilaahay mahadiis way awoodaa shacab iyo maamul in ay dadkeda u gurmato baahina uuma qabto umad xiqdi iyo xasad meel la fadhiya oo kaliya ku faraxsan dhibka Puntland meel kastana u maraya si ay Puntland u lug gooyaan

    Reply

Leave a Reply to Ayaanle Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*