18th October 2024  admin  Category :

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirarka Tubaha Dhaqaalaha iyo Amniga

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirar ay yeesheen guddi hoosaadyada golaha wasiirrada ee tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo cadaaladda.

Shirka tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa lagu meel mariyay Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Taya-dhawrka oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha kadibna uu kasoo talo bixiyay garyaqaanka guud ee dalka.

Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Taya-dhawrka ee maanta ay oggolaatay tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la hor geynayaa shirka golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan uguna gudbiyaan baarlamaanka.

Shirka tubta amniga iyo cadaaladda ayaa looga hadlay xaaladda amniga ee dalka, sare u qaadidda amniga caasimadda iyo qorshaha argagaxisada looga xoraynayo deegaannada ay uga suganyihiin dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*