20th May 2024  admin  Category :

Baahida ka Jirta Degmada Waaciye Maahan Wiish iyo Gaari Booliis.

Baahida degmada waaciye ayaa noqotay gaari boolis iyo wiish waaciye xanuunkan waxay qabtay mudo 15 sano ah waana xanuun u baahan kaliya in laga quraan saaro marka la waydiiyo Maxaa ku haya ayaa kalmadaas kaliya ka Soo baxdaa. Dhaqtarkuna wuxuu gartaa Inay arintaani sheybaar u baahan tahay

XANUUNKA IYO BAAHIDA DHABTA AHI MAXAY TAHAY EE DEGMADU QABTI?

1–Waxaa degmada waaciye ku yaal 1 ceel oo biyo kharaar kaas oo u baahan in wax laga qabto ceelku waxa u baahanyahay makiinad
Biyaha macaanisa wali Ma arag iyadoo sheeganaysa In shacabku cashuur bixiyaan nidaamka puntland ka jirana xaq Aay ugu leeyihiin In ceelal kale la qodo Kaana la hagajiyo
Biyuhuna waa baahida kowaad ee aadamaha

2- cusbitaalka magalada xida oo shacabku dhismihiisa gacanta ku hayaan iyagoo cashuur bixiyayaala dawladana waajib ku ahayd In Aay dhamaystirto madaama Aay markii horeba ka gabisay

3-Xaruntii maxkamada degmada
Xarunta dawlada hoose oo iskool guri shacabku lahaa degan

4-ciidan boolis oo qalab dhamaystiran haysta

5-dugsiga sare ee degmada oo la balaariyo
Madaama kan hada dhisan yahay mid yar

6-mashaariicda wadooyinka GBLG madaama Aay tahay degmo qadiimiya.

Halkaan kuma Soo wada koobi karo
Kolkaa waxaan oo idili waxay xaq ugu leedahay nidaamka puntland

Ee Aay 15 sano ka sugaysay. Labadaan gaari.

Maqaalkan Waxa Qoray Cabdifataax Siciid Aadan.

Columbus Ohio USA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*