27th April 2024  admin  Category :

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo wajahday dhaqaale xumi tii ugu darneyd kadib markii wadamada dhaqaalaha siin jirey ay joojiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in lacagaha lagu kabi jirey miisaaniyada dowlada laga jartay taasina ay ka dhalatay dhaqaalo la’aan.

“Kabkii nala siin jiray waxaa nalaga jaray Agost, Sacuudiga oo lacag noogu deeqayna waxay naga dhamaatay December, Qatar waxa ay nasiisay xoogaa weyna dhammaadeen, marka maanta waxa aan ku soconaa sagxadda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay isku tashadaan oo ay dowladoodu dhaqaale siiyaan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*