19th May 2024  admin  Category :

RW Rooble “Waxaan Soo Magacaabi Doonaa Khabiir La-Dagaalamaya Kufsiga”

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska R/Wasaaraha, kadib markii 23-kii bishan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sii hayihii xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay soo qabteen golihii wasiirada, isagoo u rajeeyey R/wasaaraha cusub in rabbi ku guuleeyo masuuliyadda adag ee u adeeggidda shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

“Horumarro badan ayaa laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, sugidda amniga, caddaaladda , waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta, dib-u-eegista dastuurka, hagaajinta nidaamka diiwaangelinta shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida”.AKHRISO

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo  Guddoomiyay shirka Hormarinta DhaqaalahaSep 27, 2020

Galmudug oo Digniin u dirtay Hay’addaha Samafalka iyo kuwa CaalamigaSep 27, 2020

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo kulan ka yeeshay shuruucda GolahaSep 27, 2020

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku boggaadiyay ku-simihii Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, hawlihii adkaa, ee ay soo qabteen muddadii saddexda sano iyo barka ahayd ee la soo dhaafay. Isagoo uga mahadceliyey Golaha Shacabka kalsoonidii ay siiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyey arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Xukuumaddiisa oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada.

Sidoo kale, R/Wasaaraha ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah”.ShareFacebookTwitter

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*