26th July 2024  admin  Category :

Faarax Macalin, oo wareeysi siinayey Kalsan Tv, ayaa sheegay in qaadka aysan habbooneen in la furo si Soomaaliya loo geeyo, wuxuu kaloo u sheegay dawladda Keenya madaxdeeda in hadii ay run sheegayaan ay qaadka madaxtooyada geeyaan, madaxda, reerahooda iyo qabiiladoodana ay iyaga iska billaabaan ineey cunnaan qaadka.

Sidoo kalle, wuxuu sheegay in markii dawladda ay burburtay dalka Soomaaliya, Keenya ay saarneen laba sanno oo cuna qabateen ah oo ay saareen IMF iyo Bangiga Adduunka, waxaana wadamo badan ay ka joojiyeen kaalmo ay siin jireen taasina waxeey sababtay in Keenya laga waayo lacagtii doolarka aheed.

Dhibkii ka dhacay dalka Soomaaliyana 1991dii, dalka Keenya waa ay ka faa’iideen ayuu yiri oo waxaa soo galay doolar fara badan oo Soomaalidii soo qaxday ay keeneen iyo welliba hay’adihii Qaramada Midoobay ee caawinayey qaxootiga. Sidaa darteed, Keenya waa ay ka faa’iiday dhibkaa Soomaalida ku dhacay.

Faarax Macalin ayaa sidoo kalle sheegay in Soomaaliland aysan jirin wax aqoonsanayaa hadii cirka u boodaan iyo hadii kalle.

Faarax Macalin ayaa ka sharqamiyey in wadamada neceb Soomaaliya jiritaankeeda oo dhan ay sugayaan inta Farmaajo uu meesha ka tagayo oo ay imanayaan kuwo iska qoslaya oo dalka iyo dadkana iibinaya, wixii loo baahdana si fudud looga saxiixan karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*