26th July 2024  admin  Category :

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Garoowe 08, October 2020: Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo ku geeriyooday Jigjiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu tiiraanyada geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya la qaybsanayaa, ugana tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Waxa uu Alle “SWC” uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannatul Fardawsa ka Waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*