26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo, Albaabka hore ee Villa Wardhiigleey Dhagxaan shub ku samaysan ayuu ku gooyey , wadooyinkii soo galana waa wada xiran yihiin oo Kmaarado ayaa ku wada xiran. Kamaradihiina maanta waxa loo qoray Askar ilaalisa

Kaamirooyinka wax duuba ee lagu xiray wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa dowladda Soomaaliya waxay u sameysay ciidan gaar ah oo ilaaliyo kaamirooyinkaas oo amaanka qeyb weyn ka qaatay.

Ciidankaan oo ah dhallinyaro aan laheyn wax lagu aqoonsado ayaa ilaaliyo Kaamirooyinka waxaana aad u adag in la ag fariisto, la ag istaago, gaari la ag dhigto ama nawaaxigeeda ay noqoto meel lagu sheekeesto.

Dhowr qof oo ku nool Muqdisho ayaa la kulmay iyagoo ag jooga Kaamirooyinka dhallinyaro daqiiqado kadib u yimid oo amraya iney ka fogaadaan goobta. Dhalinyaradaas waxay wataan dhar caadi ah, waxaana la sheegay in halkii kaamiraba ay habeen iyo maalin ilaaliyaan 2 ilaa 3 askari.

Muddo ku dhaw hal sano ayey kala xiran tahay magaalada Muqdisho, waxayna arrintaas sababtay in hoos u dhaco dhaqaalihii dalka sida ay qabaan ganacsatada magaalada Muqdisho .

Ugu danbayntii dawlad kamaridihii ay u samaysatay inaay ilaaliyaan u qoratay Askar ilaaliya Kamaradaha ayaa doonaysa inaanay doorasho qaban oo muddo loogu daro. Waa nasiib daro haddii laga yeelo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*