
15th November 2025 admin Category :
Waa inaad ilaashataan xeebihiina haddii aad Soomaali tihiin
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa ku booriyay Soomaaliya inay ilaashato xeebaheeda, oo uu sheegay inay ku filan tahay difaacooda, xilli Itoobiya ay xoog iyo xeeladba ku raadineyso marin badeed.
Afwerki ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Qaahira uu kaga hadlay arrimo la xiriira xaaladda gobolka iyo khilaafaadka ka jira Badda Cas. Afwerki, oo ah madaxweynaha keliya ee Eritrea tan iyo markii ay ka xorowday Itoobiya, ayaa sheegay in dhibaatooyinka gobolka ay salka ku hayaan faragelin ay sameeyaan dalal iyo xoogag shisheeye.
Wuxuu sheegay in dhibaatadu aanay ahayn mid gudaha dalalkaas ku egtahay, balse ay tahay mid ballaaran oo saameynaysa guud ahaan gobolka iyo xitaa caalamka.
Tusaale ahaan, wuxuu usoo qaatay xaaladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Koonfurta Sudan, isagoo ku tilmaamay tusaaleyaal muujinaya sida fara-gelinta shisheeye u keentay kala qaybsanaan iyo xasillooni darro joogto ah.
“Soomaaliya waa dal leh xeeb dhererkeedu gaarayo 3,300 KM, waxaana xeebtaas dheer oo ah goob istaraatiiji ah ay dalka ka dhigtay mid aan xasilloonayn,” ayuu yiri Afwerki. Wuxuu intaas ku daray in dhibaatooyinka Soomaaliya aysan ahayn kuwo gudaha ka abuurmay oo keliya, balse ay yihiin kuwo ay gacan weyn ku leeyihiin danaha goboleed iyo kuwa caalami ah.
Isagoo ka hadlayay xaaladda guud ee gobolka, ayuu sheegay in aan loo baahnayn fara-gelin shisheeye, balse ay tahay in dal kasta mas’uuliyaddiisa qaato si uu u ilaaliyo amniga iyo xeebihiisa.
“Amniga badda Cas waa mas’uuliyad dalalka gobolka wada saaran, mana aha doorasho u furan dowladda ama wasaaradda difaaca ee waa baahi taariikhi ah oo lama huraan ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Each country must take its responsibility,must protect its own sovereignty,and the intervention of foreign forces is unacceptable.All countries maintain sovereignty, and the Red Sea is the responsibility of these countries.The words of the President of Eritrea, Isaias Afwerki🇪🇷👍 pic.twitter.com/7YZaN0ZLt2
— Alg (@GirmaTelk) November 5, 2025







