26th July 2024  admin  Category :

Barnaamijka Kaftaka Siyaasadda oo Baratakoolka Madaxda Soomaaliyeed  wax ka bedelay?

Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ee Caan baxay, oo hadda umadda Soomaaliyeed aadka  u daawadaan,  ayaa wax badan ka bedelay dhaqankii  Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyaga oo ka baqaya in Kamaradda Kaftanku siyaasaddu qabato

Dhowaan barnaamijka kaftanka siyaasadda  oo ay daadihiyaan Cali Xaraare iyo Yaasiin Ducaale, e ka baxa Talfishanka Kalsan  waxa lagu soo qaatay nidaam xumo ka jirta Garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdisho. Muuqaalka  Kaftanka Siyaasada ee ugu danbeeyey,  ayaa lagu soo bandhigay muuqaal uu  wasiirka  arimaha dibbadda Soomaliya Yuusuf Garaad uu lacag kaga qaadanayo nin Kaari  ah diyaradda albaabkeeda   . Waxaad kaloo ku arkaysay muuqaalka Kaftanka Siyaasadda   nin xiiqsan  oo  aad u jeedo inuu Dayniila ka soo orday oo xaaska madaxweynaha  Soomaaliya shaaxadaya oo dacalka haysta

Hadaba sida sawirka hoose  ka muuqata dhaqankii  madaxdii Soomaaliyeed  wax badan ayaa iska bedelay. Wasiirkii, Isxanbaarkii, Tahriibkii, Dilaalkii  saf ayeey ku wada jiraan . Diyaardda gudaheeda ayaa lagu xisaabtamayaa oo lacagta lagu kal qaadanayaa

Wasiirka arimaha dibadda iyo macaamiishiisa

 

Sawirka Abdirizak Atosh.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Shekh Nur Mohamed Hassan , Xildhibaan Adan isaak iyo Madax kale oo saf kula jira

Sawirka Cali Yare Cali.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*