26th July 2024  admin  Category :

Haddii kacdoonkii Bulshada Carbeed uu Guuldaro ku dhamaaday, kacdoobkii Maakhir guul ayuu ku dhamaaday .Waana in halkii laga sii wadaa kacdoonka

laasmaakhir2

Dhowaan degaanada Maakhir waxa ku soo duulay jabhadda SNM oo hub waxay urursanayeen labaatankii sano oo ugu danbaysay soo wada qaatay , waxa kale uu hubkaa tirada badnaa ee dadka dila u weheliyey lacag caalamku ku siiyey maamulka beelaha Isaaq inay doorasho ku qabsadaan degaanadooda, lacagtii loo siiyey inay doorasho ku qabsadaan waxay ku maalgeliyeen koox isku dhaf ah oo ka soo jeeda beesha Warsangeli si khalkhal siyaasadeed degaanka Maakir ugu abuuraan, ka dibna si dhib yar ay ku qabsadaan Maakhir.

Hubkii dilaaga ahaa, ee noocyada kala duwan lahaa ee SNM u soo qaadatay Maakhir, Lacagtii tirada badnayd ee guryaha Hadaaftimo iyo Ceerigaabo lagu qaybniyaey iyo Marabddi doonaysay inay fidno ka abuuraan Maakhir intiiba afka ayaa ciida loo daray.

Sababtuna waxay ahayd Kacdoonkii reer Maakhir ay dal iyo dibad ka sameeyeen oo hal ku dhegiisu ahaa “Beeli beel ma tira koobto”, haddi ciddi wax tirakoobaysana waxa qalinka qaadanaya, oo wax tirakoobaya dadkii talin jiray oo taariikhda lahaa. Arintan waxay baqdin iyo wel wel ku abuurtay Jabhaddii SNM iyo marabbidii ay wateen, waxay ku khasabtay inay guryahoodii ku laabtaan.

Waxaan shaki ku jirin in Jabhadda SNM iyo madaxdoodi ay jecelyihiin faanka iyo buunbuunita taariikhda cusub ay doonayaan inay samaystaan sida Warsangeli ayaan soo tira koobnay, waxayna bulshada Soomaaliyeed tusi lahaayeen sawiro iyo muuqaalo laga soo duubay gobolka Sanaag oo saf loogu jiro diiwaangelin , Taasina ma dhicin tobon casho ayaa laga joogaa waqtigii ay isku dayga sameeyeen. Sababta sawirada iyo muuqaalka loo arki waayey waa kacdoonkii ay bulshada Maakhir ay dal iyo dibadba ka bilaabeen.

Ugu danbayntii Kacdoonka reer Maakhir joogsan maayo ilaa xafiis walba oo caalmaka ka mid ah lagu wargelinayo in labo maamul oo tuugo ah ay bulshadan gobolka Sanaag ka cunaqabateeyeen saamigii ay ku lahaayeen deeqaha caalamku ugu deeqo Soomaaliya. Sidoo kale kacdoonkani joogsan maayo ilaa Bulshada reer Maakhir helaan Suldaan Warsangeli oo dantooda ka shaqeeya oo aaminsan dadkiisa,degaankiisa iyo midnimada Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*