28th March 2024  admin  Category :

Ka Digtoonow Taloxumadii Gorgorkii

Waxa jiray 2 Gorgor oo aad isugu ekaa, markaad aragtid ayagoo wada socda waxaad moodaysaa inaad aragtid gorgor kaliya iyo sawirkiisii oo la socda isu ekaanshahooda awgeed. ilaahay ayaa ku manaystay inay noqdaan isku midab, isku indho fiiqan, awoodooda oo isku mid ah, Garbahooda awooda badan oo iyana isku mid ah & weliba baalashooda qurxoon ay isaga mid ahaayeen.

 

Labadan Gorgor hal mar ayay wada barteen duulista ayagoo isku hab u duuli jiray. Maalin maalmaha ka mid ah ayagoo labadoodii ay ku duulayaan garbo siman ayaa mid ka mid ah labadii Gorgor lulooday isala markaana caajisnimo bilaabay, waxuuna  bilaabay inuu labadiisii garab mid ahaan isku haleeyo isagoo ilowsan awooda badan ee hawada uu dhex jeexayay, halka gogorkii kale uu sii watay kor u duulistiisii isagoo labadiisii garab aad isla dhacayay mar walbana hawada sare u sii galayay isagoo mar walbana ugu yeedhayay Gorgorkii kale inuu dedaal muujiyo si uu sare hawada ugu soo galo isla markaana la sinaado.

 

Gorgorkii isagu Caajiska ahaa waxuu dhegaha ka furaystay talooyinkii uu usoo jeediyay Gorgorkii ay wada duulayeen waxuuna u arkay taladan lala taliyay inay ku tahay meel ka dhac iyo in ayba tahay quudhsi waayo waxuu isu arkayay han weyni iyo inuu maqaam ahaanba isagu ka sareeyay Gorgorkan cidlada uga tagay!. Halkaas ayaa Gorgorkii guuldaradu u soo hoyatay bilaabay inuu isla hadlo isagoo iskula hadlayay guuldarooyinkiisii, waxuuna ku bilaabay isla hadalkiisii :- ilaa iyo waqtigii aan yaraa waxay iga jeclaayeen Gorgorka kale, noloshu mar walba waa ay iga hor imanaysay halka gorgorka kale ay aduunyadu u debecsanayd!, Guushuna mar walba Gorgorka kale ayay la jirtaa halka ay aniga guuldaro ay ii tahay mar walba!. Miyaydunaan arkaynin xataa hawadii aanu ku duulaynay isga sare ayay u qaaday anigana waa ay isoo celisay!

 

Waxuu ku mashquulay talooyikii guuldarada xambaarsanaa mar kastana waxaa sare hawada u dhex muquuranayay Gorgorkii kale halka isagu marba marka xiga uu hoos usoo aroorayay! Saaxiibkeen Gorgorkii lala hadhka ahaa waxaa uu ku fekeray siduu gorgorkaa cidlada uga tagay uu dhulka u soo dhigii lahaa waxuuna is weydiiyay ma dhagax ayaad ku tuurtaa taas macnaheedu waxa weeye inaan dhulka marka hore tago dabadeedna bixitaankayga aan sare mar labaad u baxaa waxay noqonaysaa mid aad u adag iyadoo masaafadii noo dhaxeysayna sii fogaanayso!. Mise hadal ayaan ku jeediyaa kolayba iima joojinayo hadaan la hadlo oo duulistiisa ayuu sii wadanayaa!

 

Gorgorkii damaca badnaa ee isla weynaa ayaa ugu danbayntii waxa maskaxdiisa kusoo dhacday talo siduu gorgorkan cidlada uga tagay uu dhulka usoo dhigi lahaa ugana sare mari lahaa waxuuna ku dhaqaaqay inuu baalshiisa rifo oo dabadeedna ku tuuro gorgorka kale siduu usoo dhaco, waxaase la yaab noqotay inuu la gaadhi waayay tuurmadii oo mr walba uu hawda ku sii dhex libdho halka isagana mar walba uu hoos u sii degayo waxaana ugu danbeyntii ka dhamaaday baalashii halkaasoo degdeg uu dhulka usoo galay isagoo halkaas ku burburay, waxuuna inta aanu soo galin dhulka kusii dhawaaqayay MA IDIN IDHI MAR WALBA WAQTIGAA LUGTA I JIIDAYA

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*