19th April 2024  admin  Category :

Jubbaland Oo Sheegtay Inay La Wareegeen Xarumo Ku Yaalla Balad-Xaawo

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo saqdii dhexe ee xalayn degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka ee Haramcad iyo Ciidamo uu hoggaaminayay Ciidanka amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Dagaalkaan ayaa bilowday ka gadaal markii Ciidanka Wasiir Janan ay weerar xoogan ku qaadeen Balad-xaawo, isla markaana waxaa ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo la hadlaayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in fariisimo Ciidanka Maamulkooda  ay lahaayeen weerar kusoo qaadeen Ciidanka dowladda ee ku sugan Balad-xaawo, sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay la wareegeen Saldhigyo iyo Xarumo kale oo ku yaalla Balad-xaawo, kadib markii dagaal uu dhexmaray iyaga iyo Ciidanka dowladda Federaalka ee jooga degmadaas, uuna jiro khasaaro soo kala gaaray labada dhinac.

“Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa la wareegay qeybaha kala duwan ee degmadda iyadoo rasaasna wali la maqlayo laakin saraakiisha Jubbaland waxaa ay inoo shegeen in ay magaalada gacanta ku hayaan” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Jabhad ay soo hubeysay dowladda Kenya ay weerar kusoo qaadeen Balad-xaawo, isla markaana weerarkaas uu ahaa mid sharci darro ah, ayna iska difaaceen Ciidanka dowladda.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay gudaha degmada Balad-xaawo oo soo kala gaaray Ciidanka dowladda iyo Jubbaland, in kastoo aan la xaqiijin khasaaraha inta uu la egyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*