27th April 2024  admin  Category :

Kn: Xili la sugayay inay dawladda federaalku wanaajiso xiriirka iyo la tacaamulka maamul gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa soo baxaysa inay dawladda Farmaajo wali sii wado dagaalka tooska iyo kan dadban ee ay kula jirto Jubbaland.

Shirka arimaha Soomaaliya ee ka dhacaya caasimadda dalka Biljamka oo ay kasoo qayb galayaan dhamaan madaxda dawlad gobolleedyada iyo wafti dawladda dhexe ka socda oo madaxweyne Farmaajo hogaaminayo ayaa shirka guud kadib shirarka gaargaarka ee deeqbixiyeyaasha iyo ha’addaha caalamiga ee la kulmaya maamul gobolleedyada ayaa laga reebay oon lagu darin maamul gobolleedka Jubbaland. Shirarkan oo dawladda dhexe ay isku dubaridkeeda lahayd ayay maamul gobolleedyada kale ee dalku ka qayb qaadanayaan laakiin, Jubbaland si ula kac ah looga reebay.

Arintan ayaa waxay daba socotaa qas iyo lab iyo doc-wareen ay dawladda Farmaajo kuwaday Jubbaland tan iyo intii xilka madaxweynenimada uu ku guulaystay, waxayna dawladdiisu joojisay dhamaan kaalmadii iyo adeegyadii ay ka fulin jirtay deegaamada Jubbaland marka laga reebo gobolka Gedo oo si toos ah ay ula macaamiltamaan ayagoo doonaya inay awood ka madaxbanaan Jubbaland ka sameeyaan deegaankaasi. Xaataa heerka ay gaartay cadaawadda ay dawladda dhexe u hayso Jubbaland waxay joojisay mushaaraadka ciidamada dawladda ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose. Dhinaca kale waxay saanad, agab ciidan iyo mushaarba u qortay ciidamo ka madaxbanaan Jubbaland oo ay ku uruursanayso deegaamo ka mid ah gobolka Gedo.

Waxaa xusid mudan in Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ay bishii hore dhexdhexaadin ka galeen sidii ay isula jaanqaadi lahaayeen, loona dhamayn lahaa madmadowga dhex yaala dawladda Farmaajo iyo Jubbaland, laakiin waxaa muuqata in dawladda dhexe ay wali halkii kasii miisayso cadaawaddeeda ku aadan Jubbaland. Lama garan karo sababta ay dawladda Farmaajo geeska u galinayso Jubbaland oo kaliya halka ay maamul gobolleedyada kale xiriir kooda ka hagaajinayso, laakiin dadka siyaasadda Soomaaliya u dhuun daloola waxay farta ku fiiqayaan in Farmaajo iyo Kheyre is tusiyeen hadii ay wiiqitaanka Jubbaland ku guulaystaan inay sahlanaan doonto inay inta kalana si dhibyar u kala diraan.

Isku soo duuboo, hadii aysan dawladda dhexe dastuurka iyo xeerarka dalka ixtiraamin, kana dhabayn dib u heshiisiinta loo igmaday inay Soomaalida u horseedaan, inay ayagu uun lawga iska gubayaan oo aysan Jubbaland dad keeda oo tashaday waxba u dhimi doonin xaataa hadii ay Malaayiin doolar oo kale ku daraan inta ay haatan kaga baxday. Allow markay halkaasi maraysay yaa yax dhaha

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*