
16th November 2025 admin Category :
M. CulusooW ma helayaa siyaasiyiin mac mal ah sida kuwii Khaatumo uu hadba dhinac u kaxaysanayey?
Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa dabada ka riixaya qorshaha dhismaha maamul cusub oo Jubbaland ah.
Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in Madaxweyne Culusoow uu ogolaaday qorshe cusub oo ay kooxdiisa Villa wardhiigley ee u badan beesha Hawiye wadaan, kaas oo ku saabsan dhismaha maamul cusub oo Jubbaland ah, iyadoo xarunta kumeelgaarka ah laga dhigayo Caasimadda Gobolka Gedo ee garbahaareey
Hadaba jubbalandta Cusubi maxay tahay?.
Jubbalandta cusubi, waa beelaha wada dhashay ee wada degan ee Mareexaan iyo Ogaden oo madaxa laysugu dhufto, iyaga oo la kala qaybinayo Jubadda hoose, dhexe iyo Gedo, Waa arin ay had iyo jeer xag jirka siyaasiyiinta beesha Hawiye wateen oo hadba magac ugu yeerayeen ama ula baxayeen sida Dooxada Jubba, oo sida ay maanta ku doonayaan inay isbaahaysi ka dhan beesha Ogaadeen la samaystaan beesha Mareexaan ay had iyo jeer isku dayi jireen
Kooxda madaxweynaha ee Villa wardhiigleey, oo arintan kala qaybinta mid la mid ah dhowaan ka sameeyey maamulka Puntland oo ku kala qaybiyey beelaha Harti ee wada dhistay maamulka , kana soo dhex saaray maamul kale oo sida macmalka u shqeeyo hadba jihaddii la doonona loo jihaysto.
Maamulka cubub ee Waqoooyi bari, aya dhiiragelin weyn siisay kooxdii madaxweynaha oo u arkay sida qura ee beesha Daarood saaxadda siyaasadda looga saari karo inay tahay iygoo lakala qaybiyo oo jidkii loo maray Puntland ee ahaa lacag, Isimo been ah, dhalinyaro aan maskaxiyan deganayn loo isticmaalo sidoo kale Jubbland
Maamulkan cusub ee laga soo dhex saaray Puntland ayaa waxa looga faaiidaystay siyaasiyiintii ka soo jeeday degaanadaas sida Xildhibaanada aqalka sare ee ay ka mid ahaayeen Saynab tiinbiye iyo Cabdulaahi Tima cade oo ujeedada laga lahaa ay ahayd in lagu bur buriyo maamulka Punland.
Jubbaland, lama mid aha caqabaddii haysatay maamulka Puntland ee xeerinayey ama diidanaa dagaal ka dhex dhaca beelaha walaalaha ee Harti, ee reer Jubbaland waxay u arkaan dagaal lagu soo qaaday Jubbaland, waana sababta ay meel uga soo wada jeesteen beelihii la doonayey inlaysku dhufto welina laga shaqaynayo kala qaybsanaantooda.

Ugu danbayntii Sayid Axmed lama mid ah Firdhiye oo ay sida macmalka u isticmaalaan Villa Wardhiigley, waa khabiir siyasadeed oo ka soo bad baaday damino badan oo loo dhigay, maantana tan Xasan culusoow, Xamze, Cali Xoosh iyoTimacade waa ka gudbayaa
Waa Maamulka Waqooyi bari ee Macmalka ah oo culusoow hadba dhinac u wato








