28th March 2024  admin  Category :

Qoraalka hoose waxa Qoray aqoonyahan ku xiran Allasanaag oo muddo ka dib dalkii tegay

Socdaalkaygii puntland bossaso, lasqorey, biyo kulule, qardho, garowe, galkacyo, iyo magaalo xeebedka dekeda laga dhisayo ee garacad. Bismillahi rahmani rahim. Puntland waan farhay waana naxay socdaalkeygii gaabnaa. Dhaliishaydu ma ahan qof iyo qoomiyad toona ee waa wax toosin. Waxaan bogaadinayaa madaxweyne sicid deni oo u jiheeyey puntland waxqabad dhab ah waxyaalaha aan soo arkay awadeed

1. Magaalada Boosaaso markaad ka degto garoonka diyaaradaha   hanfiga badda cas “kuleyl saaid ah” waxaa kaloo indhahaagu qabanayaan askarta pmpf oo si saaid ah u adkeeyey amaanka airport ka bossaso markaan weydiiyey askarta sida saaidkaah u joogta waxaa la’igu yiri amaanka airport ka waxaa lagu wareejiyey PMPF,  asbuucyadii dhawaa waxa kali ah ee aan dhibsaday waxay aheyd shaqo will somali ah qaban karo ama loo tobabari karo oo nin south african ah qabanayo it’s ok inuu qabto ogama xumi lakiin dhalinteena ayaa shaqo la’aan ah lana bari karaa xiligaan adag xirfadahaas.

Airport ka bossaso ma lahan qaboojiye shaqaduna si saaid ah ayey isku dhex yaac u tahay oo waxaa loo baahan yahay in si deg deg ah tobabar loo siiyo lana fududeeyo adeega loo hayo bulshada insha alaah sida uu ii sheegay agasimaha airport ka mar aan weydiistay inaan drone kaga duubo airport ka wuxuu ii sheegay inuu dhismo socdo lacagtii la bixiyey company chinese ah contract ku qaatay oo si caalami ah loo dhisayo.

2. Laasqorey,  magaalada laasqorey waxaa ka jira dayac saa’id ah iyo in dib u dhis xoogan lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha magaalada lasqorey airport gii awad international lamaba bilaabin lamana dayac tirin dekeda kaluumeysatada lasqorey.

Kaluumaysato aan la sheekeystay waxay ii sheegeen in loo baahan yahay in si deg deg ah loo howl galiyo warshadii kaluunka si noloshooda wax soo saar u khasaarin una iib geeyaan dhamaan warshadiina waxaa ka muuqda dayac aad u weyn oo waxaa khasaaraya tabac saaid ah oo wax yar u baahan in lagu howl geliyo shaqo abuur xoogana lagu sameyn karo.

Madaxweyne deni inkastoo uu ku mashquul sanaa siyaasada federal ka bilihii danbe oo dhan hadana shaqo culus baa u taala oo ay adagtahay inuu ka soo dhalaalo waqtiga yar ee u harsan xilkiisa lakiin dadaalaa waa gaaraa oo deni lama dhayalsan karo.

3. Magaalada taarikhiga ah ee Qardho dayaceeda calooshaa ku xanuuneysa airport kii lama dhisin, magaalada waxaa laga agdhisay camp la’igu yiri waa bara kacayaasha wax yaalaha dareenka igeliyey waxaa ka mid ah oo aan aad ula yaabay camp ku wuxuu ka weyn yahay magaalada qardho baaxadiisa cid aan ka wareysto waan waayey oo waxaa la’igu yiri hayado baa dhisay oo dadbaa ku xareysan oo dib u dejin loo sameeyey. Arintaas in si gooni ah loo eego bay u baahantahay.

4. Garowe waa magaalada i farxad gelisay waayo 1998 xili xagaa ah oo dabeyshu indhaha kaala baxayso ayaa iigu danbeysay oo hotel nugaal iyo hotel kale oo yar ku yaal qiyaastiina aan ka badneyn 40 guri markii aan bar bardhigay ilaahay baan u xamdi naqay oo waxaan dareemay habqankii la soo maray iyo turun turadii 1993 ee dhicisowgii dhismaha puntland inuu guuleystay dulqaadkii iyo dhabar adeygii dhismihii 1998 ee dhidib u taagida dowlada puntland dowladnimadiina ka hana qaaday administrational capital of Garowe alhamdu lilaahi rabil caalamiin.

Garowe si fiican ayey u dhisantay kuna socotaa insha allah waxayna u baahantahay rag ad adag oo cagaf mariya wadooyinka una sameeya “city plan magaalada garowe ee caasimada ah” waayo waa ciriiri oo waa bossaso oo kale oo habqankii lagu degay ayaa dareemeysaa.

Aan ku darsadee aniga oo jecel inaan tago madaxtooyada ayaa la’igu dhahay inanka yar ee heesaaga ah Sharmo boy iyo Maslax isna heesaaga ah ayaa ku jira waxaana xanaaqsan kooxdii music ga ee mudo usoo dhabar adeygeysay waxaan dareemay in wax jiraan mana aanan tagin xafladii 1da august ee aan ku riyoonayey inaan mar un ka qeyb galo.

Waxaa kaloo ii suuroobi weyday in aan arko gudoomiye Cadirashid oo markaan tagay la’iga iga soo ceshay iridka oo laigu yiri ma geli kartid unfortunately si aad ah baan u carooday oo waan iskaga tagay habdhaqanka askarta iridka fadhida cidna eedeyn mayo si saaid ah baan u daneynayey inaan is barano gudoomiyaha parliament ga Puntland ee ju fadhiya kursigii Cawad rahimuhullah inkastoo xiliga hada lagu jiro aawadeed oo ahaa xili saxmad siyaasadeed jirto dhinaca federal ka iyo doorashada awgeed understandable ay ila noqotay duruufaha ku xeeran awadood.

5. Meesha kaa nixineysa Puntland ee dhaliisha ugu weyn taalo waa jidka isku xira Garowe iyo Galkacyo bismillahi rahmani rahim waa qormo gooni ah iyadu madoonayo inaan hada ka hadlo oo boog xoqo waa mowduuc gooni ah iyada iyo wadada Ceel daahir Ceerigaabo insha Allaah.

6. Magaalada Galkacyo iyaduna way ku farhad gelin oo waxay iila ekeed meel xasulan oo buuxda oo ka baxday hostage kii ay ugu jirtay “xaafada baraxley la yiraah ee ka bilaabato Galmudug ama dhinaca Hawiyeha sida loo yaqaan waa wax lagu farxo oo dhiiri geliyo babada gobalka mudug ee bartamaha somalia 🇸🇴.

7. Magaalo xeebedka Garacad alhamdu lilaahi rabil caalamiin waxaa u farxaysaa si qeyrul caadi ah waa dekeda ugu weyn waana mashruucii ugu weynaa ee abid laga fuliyo Somalia 🇸🇴 si isku tashi ah mashruucan “3g corridor” Garacad, Galkacyo, Galdogob wuxuu ugu fadhiyaa Somalia 🇸🇴 guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland qiimo aan lasoo koobi karin oo ku qiiro gelinaya in somali ay iyaku wax qabsan karaan waliba wax aan caqligaagu gelikarin waxaan rajeynayaa in wadaasan companies mudan yihin abaal marinta ugu qaalisan dunida furitaanka face ka hore ee 3g corridor inuu taariikhdaP iyo Somalia 🇸🇴 ka gelayo baal dahab oo mudan. 8. Waxaan dareen kayga shaqsiyadeed ku soo gudbinayaa Puntland dhismaheedii inay guuleysatay shaqo badana taalo gaar ahaan xaga wadooyinka, ama guud ahaan kaaba yaasha dhaqaalaha anaku jiilkeenan eeda waxbaan ku leenahay waayo dar daarankii iyo ducadii isimada puntland ayey ku jirtay in la nafsi saaro puntland si wada jir ahna loo dhiso “fort taleh darwish barracks xiin faniin la saaro waxaa la’ii sheegay Cade Muuse cid ka danbeysay inayyan sooba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*