27th July 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha ONLF iyo madaxweyne Farmaajo ma waxay  garan waayeen waxa uu gartay Wiilka yar ee Kartoonka  soo   farsamaystay, kuna soo qortay STOP KILLING SOMALIS, isaga oo hor taagan raisul’wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed Ali  oo u khudbadeenayaa  kumaakun qof oo ay ku jiraan Soomaali u nacamlaynaysa, niiko iyo mashxaradna ugu daray

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa la kulmay Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar iyo xubno ka tirsan ururka oo fadhigooda yahay Eritrea. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha ONLF, ayaa sida la sheegay ka wada hadlay arinta Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, oo dhowaan laga soo qabtay Baraxley oo ka  mid ka mid xaafadaha ugu khatarta badan Soomaaliya ahna Bahalo galeen ay ku dhuuntaan kuwa aan khayrka lahayn

Labada Siyaasi ee ka soo kala jeeda Ogaden iyo Mareexaan, waxay ahayd inay Soomaalinimo uga hadlaan Soomaalida  ay xasuuqayso Oramadi ee TuleGuuleed ee degaanada Soomaalida Itoobiya

Soomaalida aan hubaysnay, una badan beesha Daarood  ee Qowmiyadda Oramadu Xasuuqayso waxay ahayd inay qowmiyad ahaan uga hadlaan ama u taageeraan haddi ay dameer leeyihiin oo ay ogyihiin in taariikhdu xusi doonto sida ay maanta dhabarka ugu jeediyeen hooyooyinka ilmaynaya ee qaarkood yihiin Duriyaddii Garaad Wiil Waal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*