26th April 2024  admin  Category :

Jid isku xiraya Baladweyn iyo Xaafadda Baraxleey ee Koonfurta degamada Gaalkacayo ayaa dawladda Federaalku maanta dhagax dhigtay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo horay deeq dawldda Qadar ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed si sadbursi ah u sheegtay inay ku dhisayaan jid isku xira Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar ayaa maanta daahfurtay jid kale oo isku xiraya degaanada beesha Hawiye .

Jidkan maanta la dhagax dhigay ayaa lagu dhisayaa deeqo ay bulshada Caalamku ugu deeqeen Soomaalida oo dhan ayaa ka bilaabmaya gobolka Hiiran ilaa xaafadda Baraxley ee Koonfurta Gaalkacayo, Mudug

Wadooyinka ama jidadka dalka Soomaaliya guud ahaan lama dayac tirin sodonkii sano ee burburka. Waxa jira jidad cusub oo la dhisayo sida kan Ceel daahir Ceerigaabo oo u baahan taageeridda dawladda Federaalka ku koobtay wax qabadkeedii degaanada beelaha Hawiye

Markii hore, Intaan lagu dhawaaqin lacagtan lagu dhisayo Muqdisho nawaaxigeeda iyo marar ka sii danbeeyeyba ayaa Guddiga jidka ceel daahir Muqdiho waxay u tageen in dawladda Federaalku qaaraan ku darsato Jidkan oo ah isku tasho Bulsho oo lacagta laga ururiyo Caruurta dugsiyada Puntland, xoola dhaqatada iyo Qurba joogta. Waa loo aamusay Guddigii Khayrka qabtay a ee jidka Barakaysan wax uga raadisay Federaalka

Arintaas oo horay u dhacday ayaa mar kale lacag lagu helay magaca Soomaaliyeed waxa lgu dhisayaa Jidka u dhaxeeya Baladweyn, Hiiraan iyo Xaafadda Baraxley ee Koonfurta Gaalkacayo oo ay beesha Hawiye ka degaan magaaladaas.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa maanta daahfuray diyaarinta daraasadda, Naqshadda dhismo iyo dikumintiga qandaraas bixinta ee Wadooyinka u dhexeeya Beledwayne – Gaalkacayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*