26th July 2024  admin  Category :

Magaalada Bosaso ayaa Waxa lagu soo dhaweeyey Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo ka mid ahaan jiray Saraakiisha Sare Ciidamada Soomaaliya iyo Xukumadii Kacaanka

Morgan oo dhowaanahan la hadal hayey in uu isu sharaxi doono Madaxwaynaha Puntland ayaa galabta la waydiyey in uu sharaxanyahay Madaxwaynaha Puntland doorashada 2019,balse wuu ka gaabsaday waxuuna u mahad celiyey dadka soo dhoweeyey,isagoona bogaadiyey horumarka Puntland ku tilaabsatay oo uu sheegay in uu ka muuqdo Bosaso oo ah Magaaladii uu kusoo koray ee waxbarshada ka bilaabay .

Jeneraal morgan wuxuu sheegay in reer Puntland is dhaliilaan balse ay tahay Madaxwaynaha Puntland soo maray lagu Amaano horumarka muuqda ay Puntland ay gaartay mudadii ay hogaaminayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*