26th July 2024  admin  Category :

James Swan oo Muqdisho soo gaaray

James Swan oo ah ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa Axadda maanta ah soo gaarey magaalada Muqdisho, sidaga lugu sheegay bayaan kasoo baxay UNSOM.

“Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska UNSOM oo intaas raaciyay “ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.

Waa markii labaad ee uu Swan shaqo u yimaado Soomaaliya, isaga oo horey u soo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, ka dib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.

14-kii bishan May, ayaa Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ku dhawaaqay magacaabbista Swan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*