7th January 2025  admin  Category :

Jahawareer siyaasadeed:- Farsama xumo mise xifaaltan ka dhexeeya!

Tan iyo shalay waxaa hadalo is diidan oo ku jahawareersan ka soo baxayeen madaxda dowladda sida wasaarada arrimaha dibada iyo xafiiska amniga qaranka. Hadaladaan ayaa abuuray shaki iyo dadku fahmi waayaan sida wax u socdaan. Arrimahaan ayaa la xiriira qadiyada ciidanka Itoobiya.

Waxaan soo qaadanaynaa hadaladaas oo qaarkood isburinayaan!

1:-Ku xigeenka Wakiilka Soomaaliya ee UN-ka .

“Howlgalka cusub ee AUSSOM waxaa ka qeyb qaadan doona 11,00 oo askari, iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo la gaaray bishii November, tallaabadaas oo ka reebaysa Itoobiya howlgalka cusub.”

2:- Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda.

“Waxaan bogaadinayaa wakiillada

Soomaaliya u jooga xarunta UN-ka, sida hagar la’aanta ah ee ay ugu adeegayaan danaha Qaranka”

3:-Cali Balcad

“Shuruudihii aan joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ku diidnay waa la xaliyay, latashiyo ayaa socda, waxna waa iska beddeli karaan go’aankii hore, waxaanse xaqiifin in 11,900 loo qeybshay 4 dal oo kala ah: Jabuuti, Burundi, Uganda & Kenya”

4:- Lataliyaha Amniga Qaranka

“Mandate-ka AUSSOM ayaa u ogolaanaya DFS inay go’aamiso ka qeybgalka dalalka ku biiraya howlgalka AUSSOM, go’aan ayaana dhowaan lagu dhawaaqi doonaa. Baaqii Ankara waa mid xoogan”

Hadaladaan go’aan nuucee ah aan ku qaadan karnaa? Yaanse rumaysanaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*