12th January 2025 admin Category :
Jacaylkii Maryan u qaaday argagixisada iyo habeenkii ay Badhan seexatay.
Maryan Cabdi Iskud, waxay ka soo jeedaa gobolka Bay, waxayna jacayl u qaaday mid ka mid ah argagixisada Alshabaab ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal madow
Jacaylkii ay Maryan uga timid Koonfurta Soomaaliya oo ay doonaysay inay Jacaylkeeda kula kulanto Buuraha Calmadow si sahlan ayeey ku heshay sida aad ku daawan doonto muuqaalka hoose.
Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay sababta muddo 15 sano ah aan gobolka Sanaag loogu qaban hal qof oo aragagixiso ah oo buurta Calmadow u socda iyo Jacaylkooda ka daba imanaya ? . Sidee ku dhacday in Maryan oo aan waligeed Waqooyiga Soomaaliya iyo Sanaag aan iman in habeenkii ugu horaysay ee ay Badhan timaado ay guri loo soo diyaariyey ka seexato, oo xitaa asakari labisani ku ilaaliyo , subaxdiina markii ay soo kacday gaari loo saaro Xabal shawacle, ka dibna loo sii gudbiyo Dad qalkii ay doonaysay oo inta uu yimaado horay u sii kaxaysto.
Intaas oo dhan waxa ka daran markii ay soo dhamaysatay baashaalkii iyo kulankii jacaylkeeda ee Buuraha Calmadow oo ay doonaysay inay dib ugu labato degaanadeedii ay horay uga timid waxay sii martay Xabaal shawacle, Badhan, Rad, Mindigale Cawsane iyo Ceel daahir, intaba waxa dega beesha Warsangeli, si sahlan ayeey ku dhaaftay, markii danbena waxa lagu qabtay Garowe.
Maryan waxay sheegtay habeenkii ay Badhan timid inuu guriga ka kireeyey Askari qori wata, askarigaasi waa kuwa u shaqeeya maamulka Somaliland ee Badhan jooga ee reer ahaanta lagu difaaco.