26th July 2024  admin  Category :

Tobon sano fasax shaqada lagama siin, Lix sano iyo 8 bilood musahahar lama siin

Gangamaya Kumal, waa 45 jir, ka soo jeeda tuulo ku taal dalka Nepal. Sacuudiga waxay u timid inaay Jaariyad ka noqoto

Gabadhan lixdii sano iyo sideedii bilood ee ugu danbaysay  Mushahaar lama siin, loomana ogolaan inay maalin fasax ka  qaadato shaqadeeda   Tobonkii sano ee ay reer Sacuudiyaan ah  u ahayd Booyisada . Aabaheed iyo ninkeedii oo ka danbeeyey waxay dhinteen intay Jaariyadda ka ahayd Sacuudiga, Waxay isku dayday oo ku dadaashay inay ka qayb gasjo oo u dhoofto  tacsida aabaheed iyo ninkeeda oo geeryooday, Aabaheed ayaa markii hore geeriyooday ninkeeduna waa ku xigay , reerkani uma  ogolaan inay Sacuudiga ka dhoofto oo ay tiiraanyada la qaybsato Qoyskeeda

Dhul gariirkii dhowaan ka dhacay dalkeeda wuxuu burburiyey guri dhoobo iyo qoryo ka samaysnaa  oo ay dalkeeda  ku lahayd
Gabadhani waxay sheegtay in Telefoonkii ay lahayd  ay ka qaateen Qoyska  ay u shaqaynhaysay, sidaasna ayna ula socon wax aduunka intiisa kale ka socday

Iyada oo dhibkan ku jirta  ayeey maalin dhowayd iyada oo uu  la socdo   ninkii ay  jaariyadda u ahayd waxay tageen Qunsiliyadda ay  dalkeedu ku leeyihiin magaalada  Jiddah si ay baasbaoorkeeda u soo  cuboonaysiiso.
Sarkaalkii Qunsilayadda joogay ayaa gabadhan  waydiiyey sidee ku dhacday tobon sano ayaad Sacuudiga joogtaa hal marna ma dhoofin oo dalkii kuma laabane

“Inkastoo aan tobon sano shaqaynayey marna ma arag sida Riyaalka Sacuudigu u egyahay mana taaban weligay, gacantaydana ma soo gelin”  ayeey ugu jawaabtay

” Waxaan doonayey inaan xoogaa lacag ah ugu deeqo dadka Masaakiinta ah, xitaa Fursadaa ninkaan u shaqaynayey waa ii diiday.
Ninkaan u shaqaynayey markuu arko telofoon ka yimaada dalkayga wuu damin jiray telefoonka
Jaariyaddan oo gacan ka helaysa safaaradda Nepal ayaa dacwad ku soo oogay Sacuudiyaankii ay u shaqayn jirtay . Wxaana loo xukumay lacagtii ay ku lahayd lix sano iyo sideed bilood oo noqotay SR30,196

Labo bilood oo ka mid ah mushaarkeeda waxay ugu deeqday dadka danyarta ah.
Hadda waxay ku laabnaysaa dalkeeda si ay gurigeeda dhul gariirku burburiyey u u dhisato, Gabdho ay dhashayna ay ugu aroosto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*