17th November 2025  admin  Category :

Boqor Burhaan iyo suldaan Garaase ma M. Culusoow ayeey dhinac fariisan doonaan xafladda caleemo saarka Firdhiye

Dhowaan caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood waxa ka dhaci doonta caleemo saarka hogaamiyaha Khaatumo, oo ay ka soo qayb gelayaan sida la sheegay Siyaasiyiin u badan beesha Hawiye oo uu hogaaminayo madaxweyne Culusoow, Boqor buraan iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase. oo ah isimada beelaha ciise maxamuud iyo Cismaan ee Majeerteen

Caleemo saarkan oo ah maamul ay dhowaan Federaalku ay dabada ka riixaysay oo loo sameeyey Gobolada Sanaag iyo Sool. Inkastoo beesha warsangeli ee degta gobolada Sanaag iyo Bari aan waxba laga waydiin, iyada oo la raaciyey loo joojin maayo oo waxa naga maqaN oo qura Suldaan Siciid iyo Afar kale.

Hadaba haddii ay isimada iyo siyaasiyiinta beesha Dhulbahante ay ka maarmeen inay mar hore iyo mar danbeba Isimadda Warsangeli casumaan , oo ayna culays ku hayn maqnaashahooda maxay tahay sababta isimada Majeerteen qaakood u doonayaan inay ka qayb galaan caleemo saarka maamulka la doonayo in lagu bur buriyo Puntland oo ay ka wada tirsan yihiin

Boqor Burhaan iyo Suldaan Garaase hadii ay ka qayb galaan Caleema saarka Firdhiye maaha Colaad gaar ah oo ay u qabaan beesha Warsangali iyo Puntland ee waxa ay daba Socotaa Doorashadii madaxweyne Dani ku guulaystay oo aan Boqorku weli ku qancin iyo Beesha Suldaanka ee Ciise Maxamuud oo weli qaadan la’ in Hagbadii lagu tuntay, oo ay ahayd markoodii

Boqor Burhaan, ayaa caro uga maqnaa degaanada Puntland, ka dib markii agaasimaha laga qaaday ina Diyaano oo ay aad isugu dhow yihiin. Haldan Suldaan Garaase, hagbaddii oo la dhaafsiiyey ay u sii dheer tahay in madaxweyne Culusoow u balan qaaday siyaasiyiinta Ciise Maxamuud ee mucaaradka ah inuu xafiis ay saldhig ka dhigtaan uga furi doono magaalada Laascaanood.

Ugu danbayntii waxa inadhaha lagu wada hayaa halka Burhaan iyo Garaase ay ka fariisan doonaan xafladda caleemo saarka iyo halka ay ka gaarsiisan tahay carada ay ka qaadeen in madaxweyne Deni mar labaad dib ugu soo laabtay hogaanka Puntland. Waxaana laga dareemi doonaa khudbadahooda

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*