26th December 2024 admin Category :
Burburkii Soomaaliya waa laga dhaxlay in Gashaanbuur iyo Dubeys oo aan Jijircado galbeed u soo dhaafi jirin inay maanta xero Isaaq xoolo ay soo dhaceen ku qaybsanayaan, oo qaarkood iska dhigayaan inay Isaaq yihiin, iyaga oo ilowsan dhashadoodii iyo taariikhdii awoowayaashood
Mooryaanka jidbaysan ee qaylinya kuna hadlaya magaca Beelaha Isaaq magaciisu waa Cabdirasaaq Macalin Bashiir, waxaana lagu magcaabaa isha igala soo bax. Isha igala soo bax wuxuu ka soo jeedaa sida hadda naloo sheegay Beesha Warsangeli, Gaashaanbuur.
Magaca Isha igala soo bax, waxa uu kula baxay saadka ayuu u hayn jiray jabhaddii SSDF. Xoolihii loo dhiibtay ayuu dhacay. Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf ayaa waydiiyey sida wax u dhaceen iyo halka ay wax mareen. Wuxuu ugu jawaabay “Wax ma hayee Isha igala soo bax”. Ninkan sida la sheegay qoyskoodu waxay degaan gobolka Mudug
Ninka gaariga xaday oo ula galay Isaaq ayaa isagana lagu magcaabaa Janbeel, wuxuuna ka soo jeedaa Besha Cismaan Ugaaryahan, Dubays. Hadyadda uu beesha Isaaq u geeyey oo la jeclaystay inuu siiyo ayaa ahayd Gaari Tikniko ah oo ay saaran tahay 4 PKM
Gaariga la xaday weli warkiisu ma cada, dad ayaa leh gaariga la xaday waxa lahaa Muxuyidiin Gacamey, oo ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud. Haddi taasi run tahay gaarigu waa hanti Puntland. Muxyadiin gawaaridii loogu talo galay la dagaalanka alshabaabka ku jira buuraha Galgala ayuu soo bililiqaystay waagii uu puntland madaxweynaha ka ahaa Faroole oo isaguna ka soo jeeday beesha Ciise Maxamuud. Haddiise gaariga la xaday ay Beesa Dhulbahante leedahay waa in gaarigaa beeshii lahayd loo celiyaa ama mid loogu bedelaa. Ninka gaariga la soo xaday ka qabtay ama ka gudoomay tuuga, isaguna waa Tuug kal kaal oo denbiga qaybtiisa ayuu ku leeyahay.
Isha igala soo bax oo wax ka dhigaya riwaayadda beelaha Isaaq