26th July 2024  admin  Category :

Isbadallada Waaweyn ee uu ku Keeni karo Siyaasadda Soomaaliya kalfadhiga maanta ee Baarlamaanka

Kalfdhiga 4-aad ee Barlamaanka Soomaaliya ee maanta furmay ayaa la filayaa in uu ka duwanaado sedexdii kalfadhi ee ka horreeyay, waxa la saadaalinayaa in ay hareeyaan doodo siyaasadeed oo aad u adag iyo mooshino iska soo horjeeda oo xildhibaanada qaar ku doonayaan in lagula xisaabtamo hoggaanka Xukuumadda.

Doodaha Siyaasadda iyo wax ka badalka dastuurka

Bishii May ee sanadkan Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku heshiiyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobo waaweyn oo ku jira dastuurka kumeerl-gaarka ah oo taabanaya qaab dhismeedka dawladda iyo nidaamka xisbiyada.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ka maqan yahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani ayaa sheegay in ay isku afgarteen in meesha laga saaro jagada ra’isul wasaaraha, loona guuro nidaam madaxtooyo oo ah in dalka uu yeesho madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen.

Baarlamanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la saxiixay heshiiska wax ka badalka dastuurka u ol’oleynayay sidii qodobadan uu Baralmaanku wax uga badali lahaa ayaa yiri “dalku madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen ayuu yeelanayaa, dalku labo xisbi ayaa siyaasaddiisa loogu tartamayaa, dalku waxa uu yeelanayaa doorashada matalaad dhamaystiran, dalka oo dhana waa hal deegaan doorasho”.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay sidaas u sameeyeen labo ujeedo; waa midda koowaade in dadka laga ilaaliyo wax kasta oo ay ku kala qaybsami karaan iyo in lagu dhiirado wax kasta oo horey uga dhaqaajin kara wadanka halka uu maanta taagan yahay.

Guddiga Dib u Eegista iyo La-Socodka Hirgalinta Dastuurka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kalfadhiga 4-aad ee maanta furmay uu horkeeno Qaraarka Habraaca Ansixinta Wax-ka-badalka Dastuurka, oo hoggaanka dawladda federaalka iyo qaar kamid ah madaxda dawlad goboleedyada ay ol’ole ugu jiraan in la ansixiyo.

Arrintan waxa si adag uga hor yimid hoggaamiyayaal hore oo xilal sare ka soo qabtay dawladda federaalka iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku tilmaamay nidaamka wax ka badalka dastuurka mid baal marsan sharciga waddanka.

Shirrar aan loo kala kicin oo ka dhacay gudaha wadanka iyo dibaddiisa ayaa lagu gorfeeyay natiijada ka imaan karta ajandayaasha horyaala kalfadhiga maanta furmay.

Baarlamanka

Aragtida xildhibaanada ee ku aadan wax ka badalka Dastuurka

Bishii August ee sanad kan xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dood aan loo kala kicin labo maalmood oo xiriirra ka yeeshay habraaca loo marayo wax ka badalka qodobada qaar ee ku jira Dastuurka kumeel-gaarka ah, waxaana argatidooda dhiibtay xildhibaano kor u dhaafay 50, waxayna muujiyeen aragtiyo iska soo horjeeda oo qaarbaa doonayay in sidooda lagu qaato qodobada wax ka badalka dastuurka ee ka yimid Golaha Wadatashiga Qaranka, halka kuwa kale ay gabi ahaanba diideen in qodobadaas hadda la taabto.

Hadda oo uu furmay kalfadhiga 4-aad, ajandayaashiisa ugu waaweyna ayay kamid tahay arinta wax ka badalka Dastuurka, waxaase aan la kala ogeyn halka aqlabiyaddu jirto, balse waxa socda is gaashaanbuuraysi dhinac kasta ku doonayo in tiisa ay meel marto.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo sedexdii cisho ee la soo dhaafay shir kula lahaa magaalada Baydhabo xildhibaanada Barlamaanka Federaalka ka soo gala maamulkaas oo tiradooda lagu sheegay in ay kor u dhaafayeen sodon xildhibaan ayaa isla qaatay in la qaato heshiiska qodobada qaar wax looga badalayo dastuurka iyadoo aan la luminaynin kuraasta beel kasta ku leedahay Barlamaanka marka la joogo doorashada matalaad dhamaystiran.

Xildhibaan ka qaybgalay shirka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa BBC-da u sheegay in xildhibaanada Baydhabo ku shiray ay isla qaateen qaadashada nidaamka madaxtooyo ee uu dalku ku yeelanayo madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen, meeshana looga saarayo jagada ra’isul wasaaraha. Waxa kale oo uu xildhibaanku sheegay in la isla qaatay in labo xisbi oo kaliya wadanku yeesho sida ku qoran heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka.

Laakiin xildhibaanku waxa uu meesha ka saaray in la xisaabtanka Barlamaanka ee xukuumadda iyo madaxweynaha ay meesha ka bixi doonto, wuxu sheegay in haddaba Barlamaanku madaxweynaha xilka ka xayuubin karo, marka lagu soo oogo dacwad, taasina aysan waxba iska badalaynin.

Haseyeeshee waxa jira xildhibaano aragtidaas diidan oo doonaya in xiligan aan la taaban qodobada xasaasiga ah ee ku jira Dastuurka.

Xidlhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa BBC-da u sheegay in Barlamaanka looga baahan yahay in ay ka fiirsadaan wax ka badalka qodobada qaar ee Dastuurka kmg ah.

“Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya, waxa nala gudboon in qorshaha wax ka badalka Dastuurka aan si masuuliyad ku dheehan tahay uga fiirsano, waa qodobo taabanaya heshiisyadii siyaasadeed ee Soomaalidu gaartay dagaalladii sokeeye kaddib, waana arin horseedi karta dib u dhac siyaasadeed” ayuu yiri xildhibaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Cabdishakuur waxa uu intaa ku daray in qodobada la doonayo in wax laga badalo ay horseedi doonaan in meesha ay ka baxaan awoodihii xildhibaanada sida doorashada madaxweynaha, kalsooni siinta ra’isul wasaaraha, kalsooni siinta xukuumadda, la xisaabtanka xukuumadda iyo in la daciifiyo xasaanadda xildhibaanada.

Baarlamanka

Suurtagalnimada Mooshin ka dhan ah Xukuumadda

Xili kasta oo uu bilaabanayo kalfadhi cusub, waxa caadi ah in ay soo baxaan sheekooyin ku saabsan in mooshin ka dhan ah Xukuumadda ama gudoonka Barlamaanka la diyaarinayo lana gudbinayo.

Maalmihii u dambeeyay waxa barraha internet-ka ee lagu wada xiriiro la isku dhaafsanayay dukuminti 16 bog ka kooban oo lagu soo bandhigay eedo loo haysto xukuumadda ra’isul wasaare Xamse Cabdi Bare kaas oo uu qoray xildhibaan Dr Cabdillaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya, isaga iyo xildhibaano kale ayuu sheegay in ay diyaariyeen mooshin ka dhan ah ra’isul wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Xukuumaddu labo sano ayay jirtaa, meelna uma socoto, ra’iisul wasaaruhu ma gudanayo waajibkii ra’isul wasaaranimada, waxad moodaa in uu faraha uga qaaday madaxweynaha, madaxweynaha iyo ra’isul wasaaruhuna ay faragalin ku hayaan Barlamaanka” ayuu yiri xildhibaan Abiib oo la hadlay BBC-da.

Xildhibaan Abiib, waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan mooshinka ay ugu gudbin doonaan gudoonka Golaha Shacabka.

Habdhawraha Golaha Shacabka xidlhibaan Maxamed Cabdillaahi Xasan (Nuux) oo BBC-du ay wax ka waydiisay jiritaanka mooshinada suuqa ku jira ayaa sheegay in mar waloo Barlamaaanka la furayo ay soo baxaan warrarka ku saabsan mooshinada, laakiin illaa hadda ma jirto ayuu yiri soo jeedin loo soo gudbiyay gudoonka Golaha.

“Waan maqalnaa mooshinadaas, laakiin wax aan gacanta ku hayno iyo wax noo muuqda ma aanan arag, waana wax dhaca mar kasta oo kalfadhi uu furmayo” ayuu yiri xildhibaan Nuux.

Kalfadhiga cusub ee maanta u bilowday Barlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in uu go’aamo masiirya ka qaato qodobada la doonayo in wax lagaga badalo dastuurka kmg ah ee Soomaaliya oo la ansixyay 2012.

Tan iyo markii Soomaaliya xoriyadda qaadatay 1960 dawladdihii soo maray mid kaliya ayaa qaadatay nidaamka madaxtooyada ee madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen, waana dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

Dawladdii Maxamed Siyaad kahor iyo kaddiba Soomaaliya waxa ay ku dhaqmaysay nidaamka barlamaaniga ee ra’isul wasaaruhu hoggaaminayo xukuumadda wadanka, barlamaankuna uu isaga kala xisaabtamayo hawsha loo igmaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*