7th September 2024  admin  Category :

Waxaa loo magcaabay Gudoomiye Xaafaddiisa ah si uu Isbaaro ugu dhigto howshii Xildhibaanada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe Kursigii Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda, waa kaas taakada ka qaaday shirkii golaha Wadatashiga.Wuxuu magacaabay Guddi gaar ah oo kasoo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha Shacabka.

Villa Somalia, ayaa lacag dhan $300,000 ku Laaluushtay guddiga Joogtada ee golaha shacabka, si ay Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka ee xasaasiga ahaa ay ugu codeeyaan in aan loo gudbin fadhiga guud ee golaha, taas bedelkeedana guddi gaar ah loo saaro.12 xubnood oo katirsan guddiga joogtada ah iyo guddoonka golaha ayaa la siiyey dhaqaalahan.Saacado ka dib, markii lacagtan la baxshay Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa guddi ka kooban 5 xubnood oo la siiyay in ka badan $60,000 oo dollar, u xilsaaray kasoo talobixinta hanaanka Heshiiskan loo wajahayo.Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya in guddiga Joogtada ah ay u celiyaan heshiiska Guddiga dibu eegista Dastuurka oo aan fadhiga guud la horgeynin, si aan loo celin, xili ay xubno badan dhaqdhaqaaq ka dhan ah heshiiskan wadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*