25th October 2024  admin  Category :

Maamulka Puntland oo ka hadlay Isbaarada loo dhigtay caruurta Puntland

Puntland ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedaysay in Ardayda deegaannada Puntland ay u diidday shahaadadii dugsiyada sare ee heer federaalka, sida uu saxaafadda u sheegay Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jaamac Dabaraani.

Puntland, waxay kaloo dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay waraaqo u dirtay wadamo ay Puntland ka wada shaqeeyaan waxbarashada sida dalka Masar, si loo hor istaago shahaadooyinka iyo Waxbarashada Ardeyda Puntland .

Afhayeen Jaamac Dabaraani wuxuu sheegay in Waalid iyo Caruurtoodu ay ugu xanibanyihiin Muqdisho Shahaadooyinka loo diiday ardeyda Puntland, wuxuu sheegay in dhaqankaasi Lidi ku yahay Shuruucda dalka, sida Dastuurka DFS ee kumeel gaarka ah iyo heshiisyadii hore uwada galeen Dowladda Federaalka ah iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Puntland waxay sheegtay cawaaqib xumada arrintaasi ka dhalata in ay masuuliyadeeda qaadayaan, Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*