
7th August 2026 admin Category :
Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku weerartay deegaanka Raaskaambooni ee Jubaland bishii December 2024, oo markii isaga iyo ciidankii uu watay ee Muqdisho laga soo diray loo xoog sheegtay oo laga awood roonaaday ahaa kuwii xawaaraha ku dhaafay xadka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa hadda aano qabiil looga afduubtay magaalada wajaale oo ay beesha Isaaq degaan
Intii ka danbaysay Jabkii ka soo gaaray Jubbaland, Ciraaqi waa isaga tegay Koonfurta Soomaaliya oo u adkaysan waayey qabyaaladda madaxweynaha Soomaaliya iyo sida loola dhaqmo askarka iyo saraakiisha aan ka soo jeedin beesha Hawiye.
Xasan Ciraaqi wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeedaa deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu si qarsoodi ah ugu safray ehelkiisa oo ku sugan Jigjiga.
Sida hadda la sheegay waxa laga afduubtay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna u badan tahay in Aano qabiil looga afduubtay magaalada Wajaale oo uu markas ku sugnaa, waxaana afduubtay maamulka Isaaqland oo ay beesha Ogaadeen waayadan danbe dhul isku hayan







