28th March 2024  admin  Category :

Sidii loo yidhi  “Ciidamo Puntland ka yimid ayaa Muqdisho lagu tababarayaa Weeraradii Muqdisho ee saldhigyada Ciidamadu  waa bateen

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar is qarxin ah oo maanta barqadii ka dhacay Warshadii nacnaca oo ku taal degmada Wadajir, halkaasoo ah xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

 

Weerarkan ayaa waxaa fuliyay nin xirnaa jaakadaha xirna, kuna labisnaa dareyska ciidamada milateriga, kaasoo isku dhex qarxiyay gudaha xerada.

Illaa 10 askari oo ay ku jiraan labo sarkaal ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo dhacay, xilli uu dhamaaday tababar subaxa hore ka socday xerada.

Sidoo kale in ka badan 10 askari ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasoo la geeyay isbitaal ay leeyihiin ciidamada Milateriga.

Wararka ayaa sheegaya in ninka xirnaa jaakadaha qarxa uu isu ekeysiiyay ciidamada tababarka uga socday xerada, waxaana uu beegsaday ciidan iyo saraakiil meel fadhiyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka is qarxinta ee ka dhacday xerada ciidan, waxaana ay tilmaameen inay ku dileen illaa 25 askari oo ay ku jiraan saraakiil iyo tababarayaal.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Milateriga oo ku aadan weerarka is qarxinta ee lagu qaaday xerada ciidan.

Waa weerarkii labaad oo lagu qaado Ciidamada Milateriga, waxaana shalay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday Kolonyo uu la socday Taliyaha cusub Ciidamada xoogga dalka Jen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, kaasoo shalay un uu xilka la wareegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*