19th September 2024  admin  Category :

Urur Samaale ma yahay wax jira ? Haddaba waxaa arrintaas wax iska weeydiiyay Sagaar iyo Fooxa Halla Shito oo ah rag iyagu maskaxdooda maala.

Sagaar : War ninyahoow Urur Samaale ama Irir Samaale xaggee naga soo galay magacaa, mase yahay qabiil jira ?

Fooxa Halla Shito : Urur Samaale waa uun isbaheeysi sida Gaashaanbuurta Nato, balse ma’ahan dad wadda dhashay. Xullifaysigan waxuu soo billoowday sida la sheego 1935tii wixii ka danbeeyay.

Sagaar: War malaha adigaan aqoon ee weey wadda dhasheyn.

Fooxa Halla Shito : Haddaba meel yar ayaan kaa tusayaa in Urur Samaale uu jiro iyo in kale si aad ii fahamtid.

Sagaar : Haye, dhagahayga waa kuu diyaar ee wax ka iibsamaya u sheeg.

Fooxa Halla Shito : Mala socotaa markii nalloo soo samaynayey nidaamka 4.5 oo ay Soomaalida wax ku qeeybsato?

Sagaar: Si fiican ayaan ulla socday.

Fooxa Halla Shito: Waxaa nidaamkan 4.5 noo keenay ajnabiga na yaqiinay tan iyo markii aan duurka ku jirnay, maxaa yeelay iyaga marna loollama tegi karo wax la yiraahdo Irir Samaale. Marka sida loo soo sameeyay hab qaybsiga Soomaalida ee 4.5ka waxaa laga dhigay Daarood, Hawiye, Dir, Raxanweeyn iyo dadka kalle ee danbiga laga gallay loona yaqaan .5. Horta ma fahantay meesha yar ee aan wax kaa tusay? Marka haddii Urur Samaale uu jiro maanta Soomaaliya waxaa wax lagu qeeybsan lahaa 3.5 oo kala ah Irir Samaale, Daarood, Raxanweeyn iyo dadka kalle .5. Marka ha dhageeysanin quxubka Isaaqa iyo Hawiyaha ay akhrinayaan.

Sagaar: War ninyahoow welligeey halkaas kama fakirin.

Foox Halla Shito: Marka waxaan oo dhan waa uun isbaheeysi looga hortagayo beesha Daarood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*