26th April 2024  admin  Category :

Horay Safiirka Kenya ayuu u ahaa maantana waa Gudoomiyaha Bangiga Dhexe. Marka ay timaado awoodda wax wada qaybsiga Soomaaiya. Beesha Daarood lagama yaabo inay xikii ay horay u hayeen lagu celiyo  intuu daka Madaxweyne Farmaajo oo doortay Hogaankiisa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay dhamaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay magacaaboda Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe.

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Maxamed C/llaahi, kaasoo magacaabidiisa ku yimid Guddi loo xil saaray xulidiisa oo ka tirsan Golaha Wasiirada.

 

Waxaa uu labadii sano ee la soo dhaafay ahaa La Taliye Sare oo dhinaca dhaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa uu ka soo jeedaa Beesha Isaaq , waxaa la sheegaa inay saaxibo dhow yihiin Ra’iisuo Wasaare Kheyre, waxaana uu heystaa dhalashada dalka Norway, waxaa uu ka soo shaqeeyay hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway.

Waa hay’adaha madax banaan ee ay ahayd in lagu tixgaliyo awood qaybsiga,balse laga ilaaliyay beesha Daarood.

1.Xisaabiya Guud Hawiye

2.Maxkamadda Sare Isaaq

3.Hantdhawrka Hawiye

4.Bangiga Dhexe Isaaq

5.Bangiga horumarinta Hawiye

6.Garyaqaanka Guud Hawiye

7.Xeer Ilaaliyaha Guud Dir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*