27th July 2024  admin  Category :

Madxweeynihii horre ee waqtiga uu ka dhamaaday Xassan Shiikh ayaa noqday madaxweeynihii ugu xummaa ee soo marra madaxweeynayaasha dalka Soomaaliya. Xassan Shiikh oo ah shaqsi ay taageero u hayaan koox yar oo ka mid qooleeysatada ka jirta dalka Soomaaliya ayaa intii uu xafiiska fadhiyey wuxuu ku soo dhameeystay iska hor keenitaanka bulshada, sammeenta musuqmaasuqa, iyo wax ka qabasho la’aanta xagga amniga ah oo ay ku naf waayeen dhawr kun oo qof marka la isku darro afartii sanno ee uu joogay xafiiska.

Haddii aad u heesato inuu yahay madaxweeynihii horre Xassan Shiikh shaqsi wax fiican qabtay waxaa laga yaabaa in caadifad ay kulla tagtay ama aad ka mid tahay dadka qooleeysatada ah ee ka ag dhaw isaga, laakiin Xassan Shikh:

Waa ninkii keenay dalka Soomaaliya baarlmaan lacag lagu iibsado, si mooshinada uu waddo ay u qaadaan;

Waa ninkii keenay riditaanka ra’iisal wasaarayaasha haddii waxa uu rabbo ay u fullin waayaan,

Waa ninkii ay Jubbaland ka dhismi weeysay, wuxuuna daba socday muddo dhan hal sanno illaa markii danbe ay Itoobiyaanka dhinac ka mariyeen;

Waa ninkii Galmudug saaxiibkiis ugga dhigay madaxweeyne hal gobol iyo bar ah, isaga oo xittaa iska indha tiray shuruudii dastuurka ee aheed laba gobol iyo wax ka badan;

Waa ninka qof iyo cod ku guul dareeystay inuu dalka gaarsiiyo;

Waa ninka xitaa fullin  waayey waqtigan 4.5ka doorashada lagu gelli lahaa oo maalin walba sheeko cusub la imanaya;

Waa ninka suggi waayey amniga Muqdisho iska dhaaf meel kalle;

Waa ninka iska magacweday guddiyo doorasho oo aan lala oggeen, dabadeedna sababtay in laga hor yimaado;

Waa ninka qaska iyo jahwareerka gelliyey maamulkii loo sameen lahaa Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe;

Waa nin rabba lacagta shacabka inuu ku laaluusha cid kasta, si mar labaad uu u soo noqdo;

 Waa nin rabba in dawladnimadda uu ku dhaqo musuqmaasuq, isdebba marrin iyo iska horkeen;

Maanta wuxuu marayaa inuu yiraahdo bahda saxaafada garoonka diyaaradaha cag ma soo dhigi karaan, iyaga oo aan oggoolaansho ka heeysan maamulayaasha garoonka diayaaradaha; taa macnaheedu waa cid kalle yeeysan saxaafada ka hadlin ama laga arag isaga mooyee.

Sidoo kalle, waxaa loo diiday ineey mudaaharaad dhigaan maalin dhaweed mucaaradka oo looga soo horjeedo sharci darrada uu madaxweeyne Xassan kursiga madaxweeynanimo ugu fadhiyo maadaama uu waqtigiisa uu ka dhamaaday; hase ahaatee, qolyaha maamulla gobolka Banaadir oo Xassan Shiikh ay isku dhaw yihiin ayaa sheegay inaan wax mudaaharaad ah la dhigi karrin iyada oo laga eegayo dhinaca amniga. Taa beddelkeeda, waxaa la dhigay  mudaaharaad kalle oo ka dhacay isla Muqdisho oo ku saabsan arrimaha badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo kamid ah wayaabaha uu doonayo inuu doorashada ku gallo. Sheekad waxeey isugu soo biyo shubatay mudaaharaadka aan rabbo waa fasaxan yahay, midka kalle maya.

Gabagabadii, Madaxweeyne Xassan waa shaqsi madaxa dhulka la dhacaya oo waqtigiisii afarta sanno aheendna ku soo dhameeystay xummaan iyo isdebba marrin, maantana rabba inuu sameeyo wax kasta sidii uu u soo noqon lahaa isagga oo ah shaqsi laga nacay inta badan dhulka ay Soomalida degto.

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*