26th July 2024  admin  Category :

Dowladda Puntland waxay ka Tacsiyeynaysaa Geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Singub ) oo kamid ahaa dadkii kaalinta weyn kasoo qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed, kana mid ahaa Abwaanada ugu horeeya hal-abuurka suugaanta wadan jacaylka iyo qaran toosinta ku dhisan, Alle ha u naxariistee Abwaanku wuxuu ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa uga tacsiyeey shacabka Soomaaliyeed, bahda Suugaanta, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Singub ), waxaana uu Alle ‘SWC’ uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, kuna Abaalmariyo Janatul Fardawsa, Samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadd Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*