21st February 2025  admin  Category :

Inaa Lilaahi wa Inaa Ilayhi Raajicuun. Waxaa San Diego ku geeriyooday Maxamed Xasaan.

Maxamed, waxa uu ku barbaaray Dhagaxbuur. Dugsigi sare waxa u ku dhameeystay General Wingate Secondary School, Addis Ababa. Maxamed, waxa u ahaa wiilkii Soomaaliyeed ee ugu horeeye ee Deegaanka Soomaalida laga qaado o Scholarship ku taga Dugsiga isaga ah o Ingriisku gacanta ku hayey.Waana dugsiga ay ka baxeen 10 ka mid ah asaasayaashij TPLF oo Meles ku jiro; waxaan jeclahay oo kale inay isaga iyo Meles Red House wada ahaayeen.Qaar badan oo kamid ah kuwii OLF bilaabay Isla dugsigaas ayey ka baxeen.Eliteka Itoobiya inta u badan Dugsigaas General Wingate ayey ka baxaxeen.

Maxamed waxaan bartay 1972 Inkasta oo ay ardayda xulka ahi Dugsigaas geli jireen, Maxamed xulka xulkiisa ayuu ahaa. Nin illaa 9 luuqadood (Soomaali, Ingriiisi, Fransiis, Talyaani, Carabi, Xabashi, Afan Oromo, iyo Hereri) ku hadla ayuu ahaa.intaba isku si ayuu ugu hadli jirey.

Sanadkii 1972 ayuu noo yimid aniga o grade-7 Jigjiga kaga jira. Xiligaas ayuu ila waddaagay xeelado dhowr ah oo barashada luuqada kor loogu kobciyo. Waxyar ayaan ka yaraa laakiin saaxiibadiis oo iyana Wingate ku jirey ayaan ku bartay.

Gaar ahaan luqadaha ingriiska iyo Xabashiga aqoon iyo u jajabnaan gaar ah ayuu lahaa. Weli waan xasuusta dhowr buug o novels ah oo uu issiyey. Ereyga “akimbo” oo la micno ah “gacmahaaga ood misigta saarto” waa erayada aan xiligaas ka bartay.

Maxamed 1972 waxaa school u diray Gonder summer vacation ahaan. Qoraal ama essay Af Xabashi ah oo uu kasoo diyaariyey wayo aragnimadiisii Dugsiga oo dhan kalintaa 1aad ayuu ka galay. Xataa xabashidi e qudhoodu ardada xulka ahayd ayuu ka badiyey. Shaahadona wuu ku mutaystay. Runtii Faysal ahaan saameyn xooggan oo dhinaca Luqada ah ayuu igaga tagay. Luuqada Cidna inaanay gaar u lahayn ayaan ka bartay.

Intaa waxa ka sii daran, gabayaa Soomali ah isla markaana riwaayado dhameystiran alifi jiray ayuu ahaa. He was a Language genius.

Maxamed, ma jecleyn hayb sooca Soomaalida. Beri aanu Waddaniyad ama Somali Nationalsim ka dooddaynay hadal u yidhii ayaa dhamaantano na daarey. “Maxay Sooalinimo ii tahay? Maxaan ugu dhintaa Soomaaliyeey hadaanan guursan kareyn gabadha Soomaaliyeed een jeclaado!Ax!”,ayuu yidhi.

Maxamed, kama quusan Soomaalinimo ee isbedal ayuu raadiyey.1977, waxa u galey Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeeyd.Qaahira ayaa loo diray.Waxaan jeclahay inuu 1979 Labo xidigle aha.

Mohamed was a Somali genius.

Alaha u naxariisto.

W-Q: Faysal Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*