8th September 2024  admin  Category :

Gabadh yar, oo 12 jir ah ayaa inta la kufsday lagu dilay Gaalkacayo

Gaba da’yar ah oo illaa xalay la baafinayay ayaa la helay maydkeeda oo jir dil arxan darro ah uu ka muuqday, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.

Caa’isha Ilyaas Aadan , oo 12 jir ah ayaa la sheegay in gurigooda ay ugu war dambeysay subixii Axadda ,balse saakay ayaa la soo dhigay meel ku dhow guriga eheladeedda maydkeeda.
“Arrintan waa mid ugub ku ah Gaalkacyo iyo deegaannadan, waa mid nagu beertay argagax”. ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Gaalkacyo.
Saraakiisha ayaa sheegay maydka Caa’isha in la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo baaritaan uu ka socdo, warar kale oo ay HOL heshay ayaa sheegay in hal qof loo xiray dilkan.
“Waxa laga naxo ayaa ah gabadh da’yar ah in sidan dhan loo jir dilo”. ayuu yiri sarkaal ka tirsan isbitaalka guud ee Gaalkacyo.
Dilka Caa’isha ayaa kacdoon ka dhaliyay baraha bulshada,iyadoo hay’adaha ammaanka laga dalbaday in si dhaqso ah loo soo xiro cid walba oo la xiriiriyo dilkan.
Docda kale, Guddoomiyaha Waxbarashada gobalka Mudug, Axmed Huruuse Xaashi ayaa sheegay in Talaadadda berri ah  la fasaxay dhammaan xarumaha waxbarashada degmada Gaalkacyo, si dareen looga muujiyo dilka loo gaystay, Rabbi ha u naxariistee, Caaisha Ilyaas Aadan oo ka mid aheyd ardayda dugsiga hoose iyo dhexe ee Salaama.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*